Wadooyinka Muqdisho oo hal SABAB maanta loo xiray [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamdada booliska dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah xiray wadooyinka halbowlaha ah ee ku yaalla magaaladda Muqdisho.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidey inay isticmaalaan wadooyinka muhiimka ah, laga soo billaabo Isgoyska Ex-koontorool Afgooye iyo Isgoyska Sayidka, taas oo keentay in Shacabka ay lugeeyaan.

Sababta loo xiray jidadka ayaa ah in maanta caasimadda la keenayo Meykda Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya, Cabdi Xoosh Jibriil, oo aas-qaran loogu sameynayo magaaladda, iyadoo ay ka qeybgalayaan madaxda sare ee dalka.

Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas'uuliyiin sare ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana aaska Wasiirka loo xil-saarey Guddi Heer wasiirro oo uu magacaabey Ra'iisul Wasaare Khayre.

Cabdi Xoosh ayaa ku dhintay Jimchihii lasoo dhaafay Isbitaal ku yaalla magaaladda Dubai, ee dalka Imaaraadka kadib markii halkaasi loo dhigay xanuun kedis ah oo kusoo booday.

Wasiirka ayaa mudo 2 sano ah kamid ahaa Xukuumadda Khayre, waxaana ii isla xilka wasiirka dastuurka kasoo noqday dowladdii KMG ahayd ee uu hogaaminayay Sheekh Shariif.

HALKAN TOOS UGA DAAWO AASKA QARAN:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM