Wadooyinka Muqdisho oo la xiray iyo wararkii ugu dambeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waaberiistay iyadoo ay xiran yihiin wadooyinka halbowlaha ah, islamarkaana ay jidadka ay fadhiyaan ciidamo Booliska ah iyo gaadiidka dagaalka.

Saraakiisha amniha ayaa sheegay in wadooyinka loo xiray sababo amni, maadaama ay Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya u dabaal-degayo xuska sanad-guuradda 75-aad ee ka soo wareegtay aas aaskiisa.

Madaxda sare ee dowladda, oo uu kamid yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeybgalaya munaasabadda xuska maalinta Booliska, oo ka dhacaysa Garoonka Kubbada Cagta ee Koonis.

Isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa hakad la geliyay maanta, waxaaana shacabku ay maalayaan lugahooda, si ay u gaaraan goobahooda Ganacsiga, waxbarashada iyo xaruumaha caafimaadka.

Wado xirista ayaa mudooyinkii dambe kusoo badaneysay Muqdisho, iyadoo maalmo kahor loo xiray Madaxweyne Eritrea Isaias Afwerki, oo booqasho labo maalmood qaadatey ku yimid caasimadda.

Khasaarooyin badan oo dhaqaale ayaa ganacsatada kasoo gaara wadooyinka la xiro, iyadoo ay dowladda Federaalka ku wargelin reer Muqdisho marka ay xirayso jidadka, taasina ay muujinayso wada-shaqeyn la'aanta shacabka iyo madaxdood.

HALKAN KA DAAWO MUNAASABADDA OO KA SOCOTA KOONIS STADIUM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM