Wafdi ka socda beesha caalamka oo gaarey Baydhabo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wafdi ka socda Qaramadda Midoobay iyo Midowga Afrika oo ay kala hogaaminayaa Nicholas Haysom iyo Fransisco Madeira ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay iyo mida KMG Koonfur-galbeed.

Ergyaga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya, Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika, Madeira ayaa soo dhawayn kadib la kulmay Madaxwayne Shariif Xasan iyo xubno kale.

Qoraal kooban ooo lasoo dhigay barta Howlgalka UN-ka ee Soomaaliya ku leeyahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in arrimo kala duwan ay isla soo qaadeen, mudadii saacaddah ahayd oo uu kulankooda socday.

Xogta laga helayo kulanka ay yeesheen dhinacyaddani ayaa shaagaysa in diiradda lagu saarey kulankooda khilaafka dalka ka jira, tabashooyinka maamulkiisa iyo wadada loo mari karo xalinta arrimahaasi.

Kulankaan ayaa imaanaya xili todobaadkan gudahiisa ay Haysom iyo Madeira ay la kulmeen Madaxwaynayaasha Jubbaland iyo HirShabelle, kuwaasi oo ay kasoo dhageysteen is-marin-waaga dalka ka jira.

Beesha Caalamka ayaa ku dadaaleysa in is-fahan-laanta haatan ka dhexaysa madaxda Soomaalida oo gaartay meeshii ugu sareysay aanay sii xoogaysan, xili ay culeyska saareyso sidii loo qaboojin lahaa xiisadda siyaasadeed.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa horey shuruud ugu xiray wadahadalka dowladda, taasoo ah in la helo garab saddexaad oo dhexdhexadiya, islamarkaana damaanad qaada wixii lagu heshiiyo, kadib markii ay Villa Soomaaliya dhaqan-gelin waysay heshiisyo hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM