Wafdi ka socda beesha caalamka oo gaarey Baydhabo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wafdi ka socda Qaramadda Midoobay iyo Midowga Afrika oo ay kala hogaaminayaa Nicholas Haysom iyo Fransisco Madeira ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay iyo mida KMG Koonfur-galbeed.

Ergyaga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya, Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika, Madeira ayaa soo dhawayn kadib la kulmay Madaxwayne Shariif Xasan iyo xubno kale.

Qoraal kooban ooo lasoo dhigay barta Howlgalka UN-ka ee Soomaaliya ku leeyahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in arrimo kala duwan ay isla soo qaadeen, mudadii saacaddah ahayd oo uu kulankooda socday.

Xogta laga helayo kulanka ay yeesheen dhinacyaddani ayaa shaagaysa in diiradda lagu saarey kulankooda khilaafka dalka ka jira, tabashooyinka maamulkiisa iyo wadada loo mari karo xalinta arrimahaasi.

Kulankaan ayaa imaanaya xili todobaadkan gudahiisa ay Haysom iyo Madeira ay la kulmeen Madaxwaynayaasha Jubbaland iyo HirShabelle, kuwaasi oo ay kasoo dhageysteen is-marin-waaga dalka ka jira.

Beesha Caalamka ayaa ku dadaaleysa in is-fahan-laanta haatan ka dhexaysa madaxda Soomaalida oo gaartay meeshii ugu sareysay aanay sii xoogaysan, xili ay culeyska saareyso sidii loo qaboojin lahaa xiisadda siyaasadeed.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa horey shuruud ugu xiray wadahadalka dowladda, taasoo ah in la helo garab saddexaad oo dhexdhexadiya, islamarkaana damaanad qaada wixii lagu heshiiyo, kadib markii ay Villa Soomaaliya dhaqan-gelin waysay heshiisyo hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM