Wafdi ka socda Qadar oo yimid Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qadar, ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdishu, ee Caasumada Somalia.

Wafdiga oo uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Qadar Sultan bin Saad Al Muraikhi ayaa la kulmay Madax katirsan dowladda, oo uu kamid yahay Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay kawada hadleen arrimo dhowr ah, oo ay kamid tahay Xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan Dalalka Khaliijka Carabta iyo Go’aanka Dowladda Somalia ka qaadatey.

Sultan bin Saad ayaa soo dhaweeyay Go’aanka dhex-dhexaadnimo ee dowladda ka qaadatey arrimaha Khilaajka, waxaana uu sheegay in Qadar iyo Somalia xiriirkooda marna go’aynin.

Booqashada Sultan bin Saad ee Somalia, ayaa kusoo beegmaysa xilli la filayo in Wafdi ka socda Sacuudiga uu yimaado Muqdishu, kaasi oo ku qancin doono dowladda Federaalka inay xiriirka u jarto Qadar.

Sacuudiga ayaa u balan-qaadey dowladda Federaalka inay siin doonto, lacag dhan $50 Million, haddii ay xariirka uu jarta Qadar, oo iyana xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Villa Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM