Wafdi uu hogaaminayo wasiir Sabriye oo gaarey Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHUSAMAREEB - Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya, oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta oo Talaado ah gaarey magaaladda Dhuusamareeb, ee xarunta maamulka Galmudug.

Wasiir Sabriye ayaa wadahadallo kula leh Madaxtooyadda Galmudug Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo madaxa Xukuumadda, Maxamed Shaakir.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka diiradda lagu saarayo arrimaha doorashadda Galmudug oo khilaaf uu ka taagan yahay qabsoomideeda, kadib markii Madaxweyne Xaaf uu sameystay dhawaan mudo korarsi.

Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka shaqeynaysa sidii ay uga dhaadhicin lahayd Madaxweyne Xaaf iyo Maxamed Shaakir in doorashadda ay qabtaan waqtigeeda, islamarkaana ka tanaasulaan mowqifkooda mudo korarsiga.

Xaaf ayaa doonaya in mudo xileedkiisa looga soo billaabo markii ay midoobeen Galmudug iyo Ahlu Sunna bishii January ee 2018, taasi oo ay kasoo horjeysteen garabka Cadaado iyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM