Wafdi uu hogaaminayo wasiir Sabriye oo gaarey Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHUSAMAREEB - Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya, oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta oo Talaado ah gaarey magaaladda Dhuusamareeb, ee xarunta maamulka Galmudug.

Wasiir Sabriye ayaa wadahadallo kula leh Madaxtooyadda Galmudug Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo madaxa Xukuumadda, Maxamed Shaakir.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka diiradda lagu saarayo arrimaha doorashadda Galmudug oo khilaaf uu ka taagan yahay qabsoomideeda, kadib markii Madaxweyne Xaaf uu sameystay dhawaan mudo korarsi.

Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka shaqeynaysa sidii ay uga dhaadhicin lahayd Madaxweyne Xaaf iyo Maxamed Shaakir in doorashadda ay qabtaan waqtigeeda, islamarkaana ka tanaasulaan mowqifkooda mudo korarsiga.

Xaaf ayaa doonaya in mudo xileedkiisa looga soo billaabo markii ay midoobeen Galmudug iyo Ahlu Sunna bishii January ee 2018, taasi oo ay kasoo horjeysteen garabka Cadaado iyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM