Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo gaarey Jabuuti

Image

JABUUTI - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka gaarey dalka Jabuuti, halkaasi oo maanta oo Arbaco ah uga billaabatey booqasho rasmi ah.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashada Farmaajo ee dalka Jabuuti looga golleeyahay xoojinta xiriirka labada dalka ee walaalaha ah xilli uu jiro khilaaf dimlumaasiyadeed oo ka dhashay baaqii Farmaajo ee cunaqabateynta dalka Eritrea.

Warar ayaa sheegay in Farmaajo Ismaaciil Cumar Geelle kulankooda uga wadahadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay arinta Eritrea, oo la sheegay inuu fariin uga wado Madaxweynaha dalkaasi Isaisa Afwerki.

Waa safarkii labaad oo Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Jabuuti tan iyo markii uu xilka loo doortay horaantii sanadkii tagey, iyadoo booqashada ay kusoo beegmayso xilli dowladda Federaalka ay dhawaan soo celisay xiriirka Eritrea oo 15 sano ah maqnaa.

Dowladda Jabuuti ayaa aad uga xumaatay mowqifka dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ee xayiraadda saaran dalka cadawaaddda kala dhaxeysa ee Eritrea, waxayna dib ugu yeertay horaantii bishan Safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalah ayaa todobaadkan booqasho labo maalmood ah ku yimid Muqdisho, isagoo la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Jabuuti ayaa sheegtay inaysan aqbali karin in Soomaaliya oo naf iyo maal u hurtay soo celinta nabadeeda ay la safato Eritrea oo ka haysata dhul ku yaalla xuduuda iyo maxaabiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM