Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo gaarey Jabuuti

Image

JABUUTI - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka gaarey dalka Jabuuti, halkaasi oo maanta oo Arbaco ah uga billaabatey booqasho rasmi ah.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashada Farmaajo ee dalka Jabuuti looga golleeyahay xoojinta xiriirka labada dalka ee walaalaha ah xilli uu jiro khilaaf dimlumaasiyadeed oo ka dhashay baaqii Farmaajo ee cunaqabateynta dalka Eritrea.

Warar ayaa sheegay in Farmaajo Ismaaciil Cumar Geelle kulankooda uga wadahadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay arinta Eritrea, oo la sheegay inuu fariin uga wado Madaxweynaha dalkaasi Isaisa Afwerki.

Waa safarkii labaad oo Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Jabuuti tan iyo markii uu xilka loo doortay horaantii sanadkii tagey, iyadoo booqashada ay kusoo beegmayso xilli dowladda Federaalka ay dhawaan soo celisay xiriirka Eritrea oo 15 sano ah maqnaa.

Dowladda Jabuuti ayaa aad uga xumaatay mowqifka dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ee xayiraadda saaran dalka cadawaaddda kala dhaxeysa ee Eritrea, waxayna dib ugu yeertay horaantii bishan Safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalah ayaa todobaadkan booqasho labo maalmood ah ku yimid Muqdisho, isagoo la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Jabuuti ayaa sheegtay inaysan aqbali karin in Soomaaliya oo naf iyo maal u hurtay soo celinta nabadeeda ay la safato Eritrea oo ka haysata dhul ku yaalla xuduuda iyo maxaabiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM