Wafdiga uu hogaaminayo Farmaajo oo u ambabaxay China

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa u ambabaxay China, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, maanta oo Arbaco ah.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa kusii jeeda China, halkaasoo uu uga qaybgeli doono shirka Iskaashiga dalalka Qaaradda Afrika iyo dalka Shiinaha, kaasoo diirada lagu saari doono dhinacyadda Dhaqaalaha, Maalgeshiga iyo arrimo kale.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, Xilldhibaano, Saraakiil ciidan oo qaybaha kala duwan ee Hay'addaha amaanka dalka ayaa Madaxwayne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo dhinacyo kala duwan isugu jira kasii sagootiyay garoonka diyaaradaha.

Inta uu ku sugan yahay China, waxuu Farmaajo la kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi, Xi Jinping, kaasoo Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad uu ka dhawaajiyay inuu casuumaad rasmi ah uu u soo diray.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee uu Farmaajo ku tago dalka China tan iyo markii loo doortay xafiiska ugu sareeya Villa Soomaaliya, bishii Fabuary ee sanadkii hore 2017, isagoo horey safaro badan uu Madaxwaynaha ku kala bixiyey dalal dhowr ah.

Safarkaan uu ku bixiyay Farmaajo dalkaan ku yaala Qaarada Asia ayaa kusoo beegmaya xili Isbuucyo kahor uu kasoo laabtay safar uu ku bixiyay Jabuuti iyo Turkiga, kuwaasoo xiriir wanaagsan oo dhanka Ganacsiga la leh dowlada China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM