Wajiga kowaad ee Shirka London oo furmay [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

LONDON, UK - Waxaa magaalada London ka furmay maanta oo Arbaco ah wajiga kowaad ee Shirka caalamiga ee looga hadlayo arrimaha dalka Somalia.

Shirka maanta ayaa waxaa looga hadlayaa Kaalinta Qubajoogta iyo Bulshada Rayidka ee Mustaqbalka Somalia, waxaana ka qeybgalaya Madaxda Hay'adaha caalamiga iyo Mas'uuliyiin kale. 

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa uga mahadceliyay Qurbajoogta kaalintooda ku aadan dib u dhiska Somalia iyo gurmadka bini'aadanimada ee ka socda dalka. 

Wuxuu sheegay in dowladiisa ay samaynayso Hay'adda Quba-joogta qaranka, taasi oo isku-xir u samayn doono dhamaan Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa, si dalkooda hooyo u dhistaan. 

Shirka maanta ka furmay London, wuxuu gogol-xaar u ah Kulanka berri furmaya oo ay si wadajir ah u shir-gudoomin doonaan Madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisal wasaaraha UK Theresa May. 

Ajendaha Shirka maalinta Berri ah furmaya waxaa kamid ah Nabad-galyada, dhisamaha ciidamada Amniga Qaranka, Arrimaha Siyaasadda, Doorashada 2020, Dhaqaalaha, Bini'aadanimada, Iskaashiga Somalia iyo Beesha caalamka. 

In ka badan 40 dowladooda oo kuwa Geeska Africa ay ku jiraan, Deeq-biyaasha caalamiga ah, Hay'addo badan iyo Saaxiibada Somalia, ayaa ka qeybgalaya Shirka London. 

Waa Shirkii 3-aad oo looga hadlayo arrimaha Somalia oo ay martigeliso dowladda Ingiriiska tan iyo 2012, kuwaasi oo loogu sameeyay Somalia balan-qaadyo aan wax badan kasoo bixin. 

 GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM