Wakiilada Somaliland ee Aqalka Sare oo la dhameystiray

Image
Shan xubnood oo ka harsanaa wadarta mudaneyaasha ayaa maanta lagu doortay magaala madaxda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shan Senator cusub oo dhameystiraya wakiilad Somaliland ee Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah lagu doortay caasimada Muqdisho.

Saciid Cabdi Xuseen ayaa mar kale dib loogu doortay xubinimada Aqalka Sare isaga oo afarta sano ee soo aadan Baarlamaanka Federaalka ee 11aad ku metelaya Somaliland kaddib markii uu tartanka ka haray Jaamac Cabdullaahi Maxamed.

Kursiga 8-aad ee gobolada waqooyi waxaa ku soo baxday Naciima Xasan Xaaji Maxamuud oo heshay 30 cod, halka Muno Cumar Xasan oo horey uga fadhisay kursigaas ay heshay 13 cod, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka. Naciima waxay ka tirsaneyd xafiiska ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed Khadar.

Cabdirisaaq Ahmed Cali ayaa kusoo baxay kursiga 9-aad ee doorashada gobolada waqooyi. Waxaa la tartamaye labo musharax mid kood ma uusan iman goobta codeynta. Axmed Maxamed oo ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa ka haray tartanka.

Abwaan Axmed Ibraahim Maxamed Qorane ayaa hantay kursiga 10aad ee doorashada gobolada waqooyi. Cod gacan tag ah ayuu labinta ku helay.

Deeqa Xassan Xuseen ayaa kusoo baxdey kursigii ugu dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare ee gobolada. Deeqa waxay kusoo laabatay tartan la'aan kadib markii ay tartanka uga hartay Hodan Abokor Xasan. Waa kursigii 4-aad oo maanta si tanaasulay lagu soo baxo.

Inkasta oo Somaliland ay sheegato in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, hadana waxaa Muqdisho oo caalamka u aqoonsan yahay in ay hoostagto ku metela wakiilo isugu jira mas'uuliyiin kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM