​Wakiilka QM ee Somalia oo ka hadlay hishiiska Galmudug iyo Puntland

Image

MUQDISHU, Somalia- Ergayg gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating ayaa soo dhaweeyay Wadahadalka Nabada ee Madaxda Galmudug iyo Puntland ku yeesheen magaalada Cadado, 29 May 2017.

“Wadahadalka ku dhexmarey Cabdiweli Gaas iyo Xaaf magaalada Cadaado waa kuwa muhiim ah, oo billow u noqon kara xalka Colaadda kala qeybsanaanta ka taagan Gaalkacyo,” Ayuu yiri Michael Keating.

Keating ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug inay ka shaqeeyaan dhameynta Khilaafka jira, sidoo kalena ka digtoonaadaan fashil ku yimaada Wadahadallada cusub.

QM ayaa sidoo kale bogaadisay balanqaadka Gaas iyo Xaaf ee ahaa inay isku furaan wadooyinka Gaalkacyo, iyo dhisamaha Gudiga Isku-dhafka ah ee ka shaqeyn doono Nabada magaaladaasi.

QM iyo Saaxiibada Somalia ayaa sheegay inay diyaar u yihiin taageerida Heshiiska Galmudug iyo Puntland, islamarkaana ay kala shaqeyn doonaan hergelinta qodobada heshiiska Nabada Mudug.

Lama oga waxa uu ka bedelnaan doono Heshiiskan cusub ee Gaas iyo Xaaf kuwii horey loogu gaarey Gaalkacyo, kuwaasi oo dhamaantooda waxba ka hergelin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM