Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed
MUQDISHO - Waxaa soo baxaya walaac xooggan oo laga qabo qoraallo xiriir ah oo uu baraha bulshada ku baahinayo Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, kuwaas oo loo arko inay yihiin kuwo kicinaya xiisad colaadeed oo ka dhalan karta deegaannada Koonfur Galbeed.
Wasiirka, oo la rumeysan yahay in Villa Somalia ay u waddo tartanka xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa maalmihii u dambeeyay boggiisa Facebook ku baahinayay warar la xiriira dhaqdhaqaaqa Ciidanka Qaranka. Qoraalladaasi ayaa si joogto ah u tilmaamayay halka ay ciidamadu gaari doonaan, isagoo sheegay, tusaale ahaan, in “ciidanku geli doonaan Baydhabo saacad hebel,” iyo “halkaas bay hadda qabsadeen.”
Tallaabadan ayaa dhalisay hadal-hayn ballaaran, maadaama wasiirku uusan ahayn Wasiirka Gaashaandhigga ama taliye ciidan oo awood u leh inuu ka hadlo hawlgallada milatari, balse uu yahay wasiirka qaabilsan dekadaha dalka.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ku tilmaamay qoraallada wasiirka kuwo “daandaansi ah” oo loogu talagalay in lagu cabsiiyo hoggaanka hadda jira ee Koonfur Galbeed iyo dadka deegaanka, iyagoo sheegay in magaca Ciidanka Xoogga Dalka loo adeegsanayo arrimo siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahayd difaaca qaranka.
“Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan, isagoo weliba u tartamaya xil siyaasadeed. Tani waxay khatar gelinaysaa dhexdhexaadnimada ciidanka qaranka,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka u dhuun-daloola arrimaha amniga.
Xiisaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro ismari-waa ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedka Koonfur Galbeed oo ku aaddan hannaanka doorashada. Khilaafkaas ayaa horseeday is-weydaarsi hadallo kulul oo laga cabsi qabo inay isu beddelaan iska horimaad hubeysan haddii aan xal degdeg ah la helin.
Ilaa hadda, Villa Somalia kama hadlin qoraallada wasiirka, halka shacabka ku dhaqan Baydhabo iyo nawaaxigeeda ay muujinayaan walwal ku aaddan in magaaladooda ay noqoto goob lagu dagaallamo.
GAROWE ONLINE