Waqtiga doorashada Somalia oo la shaaciyay [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Somalia ka dhacaysa 2016 ayaa maanta warbaahinta faah faahin ka siiyay waqtiga ay qabsoomayso doorashooyinka  Aqalka sare, Barlamanka iyo Madaxweynaha dalka.

Cumar Maxamed Cabdulle Dhagay, Guddoomiyaha Guddigaasi ayaa sheegay in doorashada Aqalka sare qabsoomi doonto 25 September halka aqalka hoose la dhisi doono 24 September ilaa 10 October, 2016.

Doorashada Guddoomiyaha Barlamanka ayaa dhici doonta 25 September, 2016.

Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia ayaa iyaduna dhici doonta 30 October, 2016.

Jadwalkan ayaa soo baxay xilli madaxda Somalida shir uga socday magaalada Muqdishu kaasoo looga hadlayay doorashada iyo mudada lagu kordhin doono.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdishu isla maanta shir ku dhexmaray Guddigan iyo madaxda maamul goboleedyada, waxayna kawada hadleen qaabka dalka looga saari doono marxaladda adag iyadoo madaxda dalka shaqo wanaag ku ammaaneen Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee dalka ka qabsoomi doona sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM