Waqtiga doorashada Somalia oo la shaaciyay [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Somalia ka dhacaysa 2016 ayaa maanta warbaahinta faah faahin ka siiyay waqtiga ay qabsoomayso doorashooyinka  Aqalka sare, Barlamanka iyo Madaxweynaha dalka.

Cumar Maxamed Cabdulle Dhagay, Guddoomiyaha Guddigaasi ayaa sheegay in doorashada Aqalka sare qabsoomi doonto 25 September halka aqalka hoose la dhisi doono 24 September ilaa 10 October, 2016.

Doorashada Guddoomiyaha Barlamanka ayaa dhici doonta 25 September, 2016.

Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia ayaa iyaduna dhici doonta 30 October, 2016.

Jadwalkan ayaa soo baxay xilli madaxda Somalida shir uga socday magaalada Muqdishu kaasoo looga hadlayay doorashada iyo mudada lagu kordhin doono.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdishu isla maanta shir ku dhexmaray Guddigan iyo madaxda maamul goboleedyada, waxayna kawada hadleen qaabka dalka looga saari doono marxaladda adag iyadoo madaxda dalka shaqo wanaag ku ammaaneen Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee dalka ka qabsoomi doona sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM