Xiliga Golaha Shacabka ka doodayo xaalada amni ee dalka oo la shaaciyay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaanada Gollaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddiga dib u eegista dastuurka iyo hadal-jeedinta Afhayeenka Aqalka Hoose.

Ugu horeyn, Maxamed Cabdiraxmaan Mursal, gudoomiyaha Aqalka Wakiilada oo la hadlay Mudanayaasha ayaa uga mahad-celiyay sida ay u soo xaadireen.

Mursal oo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in Xildhibaanada waajibaadkoodu gutaan ayaa ku tartarsiiyay in ay fadhiyada yimaadaan.

Mar uu soo hadal-qaaday xaalada amni ee wadanka gaar ahaan Muqdisho ayuu ku tilmaamay in ay curyaamisay horumarka iyo ganacsiga caasimada.

"Kooxaha argagixsada ah waxay si maalinle ah u laynayaan shacabkeena, taasina waa in wax laga qabtaa," ayuu xusay.

Labadii fadhi ee ugu dambeeyay Gollaha Shacabka oo baaqday ayaa mid kamid ah waxyaabaha sababay waxaa kamid ah dalab ka imaanayay Xildhibaano.

Sharcidejiyaasha ayaa ku doodayay in ay muhiim tahay in ajendayaasha kulamada lagu soo daro ka doodista amniga magaala madaxda dalka.

"Amniga oo muhiim ah u nolosha dadkeena waxaanu ka doodi doonaa maalinta Sabtida ah [todobaadka dambe]," ayuu gudoomiyuhu raaciyay hadalkiisa.

Bishii hore ee Maaj, in ka badan 10 qarax oo ka dhacay Muqdisho ayaa galaaftay nolosha dad badan taasoo toosha ku ifisay fashilka xukuumada ee amaanka.

Geesta kale, ciidamada Kenya ayaa burburiyay dhowr xarumood oo gobolada Jubbaland ay ku leeyihiin qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta dalka.

Ugu dambeyntii, Mursal oo arrinkaasi dul-istaagay ayaa ka codsaday Guddiga arrimahaasi u qaabilsan Golaha Shacabka in warbixin rasmi ah ka keenaan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM