War-murtiyeed laga soo saarey Shir ka dhacay Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - War-murtiyeed wadajir ah ayaa laga soo saarey Shir 7-dii illaa 9-kii bishan ka socday magaaladda Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasoo ay ka qeybgaleen wafuud ka socota dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan oo ay isagu yimaadeen Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa looga dooday soojeedinta wax ka bedelka cutubyada 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad oo ay soo diyaariyeen Guddiga Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbannaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shirka billowgiisii ka hadlayay ayaa sheegay in Dastuurka Soomaaliya uu noqday mashruuc iska socda, oo cidii timaadaba kursiga ku macaashta, iyadoo aan si dhab ah loogu howlgalin in la dhameystiro.

Axmed Madoobe ayaa xusay in inta uu qabyada yahay Dastuurka aan la gaarin karin dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalen aan laga bixi doonin is-qab-qabsiga iyo khilaafaadka siyaasadeed. [Halkaan ka akhri warka].

HALKAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM