War-murtiyeed laga soo saarey shirka Heritage ee Garowe

Image

GAROWE, Puntland - War-murtiyeed ka kooban saddex bog ayaa laga soo saarey Madasha Aragti-wadaaga Heritage ee Garowe kaasoo looga hadlay dastuurka, ammaanka, doorashooyinka iyo nidaamka federaalka.

Ka qeybgaleyaasha ayaa walaac ka muujiyey qabyo-tirka dastuurka ee daba-dheeraatay, waxayna ku baaqeen in dhameystirkiisa loo maro hanaanka uu xeerinayo qodobka 134 farqadda labaad ee dastuurka KMG ah.

Taabagelinta nidaamka federaalka ayay ku baaqeen in ay kawada shaqeeyaan dowladda federaalka iyo maamulada isla markaana ay diiradda saaraan qodobadda ugu waaweyn ee caqabada ku ah sida khilaafka.

Doorashooyinka 2020-21 ayay soo jeediyeen in lagu galo heshiiskii September, waxayna hoosta ka xariiqeen in wada ogol lagu galo coddeynta ay bud-dhig u tahay dowladnimadda haatan ka jirta waddanka.

Sidda laga soo xigtay war-murtiyeedka, Madasha ayaa ka xun in aan la fulin heshiiskii amniga Qaranka ee lagu gaarey shirkii Soomaalida ee London kaasoo suurtagelin lahaa in dalka ka baxaan ciidamadda AMISOM.

Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ayay uga mahadceliyeen martigelinta ka qeybgaleyaasha shirka oo ay ku jiraan madax haatan xil haysa iyo kuwa horey u soo qabtay.

Madasha Aragti-wadaaga Heritage ayaa sanadkan markii koowaad lagu qabtay gudaha Soomaaliya si gaar ah caaimada Puntland ee Garowe iyadda oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay ka dhacdey dalka Jabuuti.

Hoos ka akhriso qoraalka

No photo description available.

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM