​Warar kasoo baxay duqaymo ka dhacay Saakow

Image

MUQDISHU, Somalia- Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqaymo 10-kii illaa 13-kii bishan ka dhacay deegaanka Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe kaasoo lala eegtay mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda iyo ciidamada AMISOM.

Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada dowladda Somalia ee sida gaarka ah u tabo-baran iyo kumaandoos ka socotay dowladda Maraykanka.

Qaar kamid ah warbaahinta caalamka oo soo xigatay saraakiil katirsan ciidamada dowladda ayaa kuwaramay in duqaymahaasi lagu dilay 30 katirsan horjoogayaasha kooxdaasi oo la sheegay inuu ku jiro Afhayeenkooda Abu Muscab.

" Hawl-gallo gaar ahaa oo dhacay intii u dhaxeysay 10-kii illaa 13-kii bishan, xubno sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay kuwaasoo gaaraya 30 qof," Ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda Somalia.

Xiriiro aan la samaynay dadka deegaanka, waxay noo xaqiijiyeen in duqayntu dhacday balse aysan ogayn khasaaraha ka dhashay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federalka Somalia iyo ururka Al Shabaab kuwaasoo ku aadan duqaynta ka dhacday Saakoow.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale xusayay in duqeeyntaasi lagu dilay hogaamiyihii kooxda Al-shabaab Axmed Diiriye oo loo yaqaano Abuu Cubeyda.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa Koonfurta Somalia ka dhacayay weeraro ay iska kaashanayaan dowladda Somalia iyo Maraykanka kuwaasoo ka dhan ah Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM