Wararka ku xeeran kulanka doorashada ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka xalka loogu raadinayo khilaafka raagey ee doorashooyinka ayaa waxaa lagu waddaa in uu berri ka furmo Muqdisho. Kulankan wuxuu ka duwan yahay kuwii hore.

Ra'iisul Wasaare Rooble oo shalay la shiray Beesha Caalamka ayaa leelinaya wallow "shaki" ka jiro dhexdhexaadnimadiisa horeyna "ugu fashilmay in uu u kala dab-qaado Villa Soomaaliya iyo mucaaradka".

Guddiga qabanqaabada wadaxaajoodyaddan sidda weyn ay isha ugu haayaan shacabka iyo wakiiladda Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa maanta ku kulmay caasimada Muqdisho.

Wakaaladda wararka Qaranka ee SONNA waxay warisay in guddiga uu heer gabagabo ah marinayo diyaarinta "ayna saacadaha soo aadan caasimada soo gaari doonan madaxweynayaasha maamuladda".

Kahor kulanka furitaanka kulanka, dhowr illo wareed ayaa sheegaya in ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu diidey in Cabdi Cali Raage, lataliyaha gaarka ah arrimaha doorashooyinka ee Farmaajo, uu kala shaqeeyo diyaarinta wadaxaajoodyadda.

Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya, ayaa kalsooni badan ka muujiyey in shirka uu noqdo mid ay kasoo baxaan natiijo iyo heshiis loo dhan-yahay.

"Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada. Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah," ayuu Facebook ku qoray.

Cabsida ugu weyn ee haatan jirta waa in furtaanka shirka uu ka dib-dhaco waqtiga loo muddeeyay taasoo ah 20-ka May oo berri ku beegan maadaama ka qeybgaleyaasha wali caasimada soo gaarin.

Afhayeenka musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa walaac ka muujiyey in shirka dib-u-dhaco furitaankiisa, waxaana uu dalbadey in ay door ka qeybgal ku yeeshaan si go'aanada u noqdaan wada-ogol.

Shirkan ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeysay ee madaxda Soomaalida uga heshiin karaan is-mari-waaga coddeynta taasoo haddii ay dhacdo horseedi karta faragelin toos ah oo ka timid diblumaasiyiinta.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM