Wararka kulanka maamulada Soomaaliya uga socda Kismaayo

Image

Kismaayo, Soomaaliya: Kulan maalintii labaad uga socda Kismaayo madaxweynayaasha maamulada Soomaaliya ayaa wararka warsidaha GO ka helayo sheegayaan in lagaga hadlayo nuxurka qoraal la filayo inuu kasoo baxo sida la qorsheynayo maalinta berri ah 11 Oct, 2017.

Kulankaan oo albaabadu u xiran yahay isagoo ajendaaysha lagaga hadlayo la adkeeyey in wax laga ogaado ayaa wararku waxay xusayaan in madaxda maamulada ka doodayaan siiqada ay noqoneyso warmurtiyeed la filayo in laga soo saaro gabagabada shirkaan.

Qodobada laga doodayo ayaa sida wararka laga helayo sheegayaan waxaa ugu mihiimsan faragalinta Dowlada Fedraalka ku hayso nidaamka Federaalka iyo sida ay u diidan tahay in labada dhinaca ka wada shaqeeyaan shuruucda khuseeysa maamulada sida Dastuurka, maaliyada, Ciidamada, Isgaarsiinta iyo kuwo la mid ah.

Arimaha ugu muhiimsan sida warsidaha GO u sheegayaan xogogaal ayaa waxaa kamid ah nidaamka loo marayo dib u eegista Dastuurka kaasoo madaxda maamulada isku mowqif ka yihiin In la hareer marey wada shaqeyntii Axdi qarameedku qorayey iyadoo Wasaarada Dastuurka Federaalka afduubtey.

Dhinaca kale kulnakaan ayaa la filayaa inuu kasoo baxo Golo cusub ( Council) oo ay ku midoobayaan maamulada Soomaliya.

Wadahadalka u dhexeeya madaxda maamulada Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Axmad Madoobe Gogol u dhigey lagu xaliyo khilaaf ka dhashey mowqifyada kala duwan ee Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ka qaateen arimaha Khlaiijka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa iyadu qaadacdey kulankaan ka qayb galkiisa taasoo u aragtey in maamuladu kaga horimaanayaan go’aamadeeda siyaasadeed ay qaadatey arimaha Khaliijka iyo muranka ka taagan Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM