Wararkii ugu dambeeyay Qarax Culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa sheegtay in maanta ay qarax ku dishay 30 Askari oo u dhashay dalka Itoobiya, oo la socday kolonyo ay ku weerartay duleedka magaalada Beledweyne.

Qoraal kasoo baxay Kooxda, oo lagu baahiyay warbaahinteeda, ayaa lagu sheegay in qarax miino ay ku weerartay ciidamada Itoobiya iyagoo maraya tuulada Ceel-Gaal oo 20-KM dhinaca Bari ka xigta magaalada Beladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada Qaraxa la kulmay xilli ay ka yimaadeen Beldweyne, kuna sii jeedeen deegaanka Kalabeyr, oo ku dhaw xadkaa Soomaaliya iyo Itoobiyaa.

Ma jiro illo wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, oo dagaal mudo 10 sano ah kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Bishii hore,Taliska ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa sheegay in 70 kamid ah Al-Shabaab uu ku khaarijiyey weerar dhinaca cirka ah, oo aysan sheegin halka ay ka fuliyeen.

Gobolka Hiiraan waxaa ku sugan ciidamo ka kala socda Itoobiya iyo Jabuuti kuwaasoo hoostaga AMISOM, waxaana inta badan lala eegtaa qaraxyo culus oo khasaaro dhaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM