Wararkii ugu dambeeyay Diyaarado duqeyn ka fuliyay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika [AFRICOM], ayaa sheegay in weerar cirka ah oo uu ka fuliyay koonfurta Soomaaliya uu ku dilay xubin ka tirsan Al-Shababa.

Duqaynta oo ka dhacday tuuladda Kunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose 6-dii bishan October ayaa qoraalka kasoo baxay AFRICOM lagu tilmaamay in lagu beegsaday xubno katirsan Al Shabaab.

Bayaanka Taliska lagu xusin hadii duqaynta aysan ka dhalan wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey, inkastoo aysan jirin illo madaxbanaan oo taasi xaqiijinaya.

Tuuladda Kunyo Barrow oo kamid ah degaanada muhiimka ah ee ku yaala Koonfurta dalka ayaa xarun u ah dagaalamayaasha Shabaab, halkaasi oo ay ku leeyihiin Saldhigyo iyo xarumo tababar.

Ma jiro war rasmi ah oo ay kasoo saartey kooxda gacan-saarka la leh Shabakada Al-Qaacidda sheegashada taliska Mareykanka.

Duqayntaan oo noqoneysa tii 21aad oo uu Mareykanku ka fuliyo kaliya sanadkaan gudaha Soomaaliya, ayaa imaanaysa xili maalmihii lasoo dhaafay ay gobolada dalka ka dhacayeen weeraro noocaan ah.

Dowladda Mareykanka ayaa ka jooga Soomaaliya ciidan lagu qiyaaso inta u dhaxeysa 500 illaa 1,000 Askari kuwaasoo fuliya howlgallada gaarka ah, waxaana saldhigga ku weyn ku leeyihiin Balli-Doogle, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Labo Askari ayaa Mareykanka looga dilay Soomaaliya tan iyo sanadkii tagey, waxaana tani noqonaysaa khasaarihii ugu badnaa mudo 25 sano ah, oo 18 Askari oo Ameerikaan lagu dilay Muqdisho 1993.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM