Wararkii ugu dambeeyay qaraxii lagu weeraray Kuliyada General Kaahiye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii fiidnimadii caawa oo Khamiis ah ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kabtan Maxamed Daahir ayaa u xaqiijiyay Garowe Online in qaraxu uu ka dhacay kasoo horjeeda Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee ku yaala degmada Xamar Jajab.

Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada bileyska Soomaaliya ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu geystay khasaaro nafeed iyo burbur hantiyadeed.

"Qaraxa gaari ayaa sababay … kasoo horjeeda Kuliyada Tababarka ee Jenaraal Kaahiye ayuu ka dhacay … khasaaro dhimasho way jirtaa, burbur ayaase wehliya," ayuu yiri.

Dhowr illo wareedo oo ka tirsan hay'addaha amaanka ayaa tilmaamaya in gaariga qarxay uu soo dhaafay qaar kamid ah kontaroolada laga ilaaliyo amniga xaruntaasi.

"Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxay isugu jiraan askar iyo dad shacab ah oo halkaasi marayay," ayuu yiri qof kamid ah dadkii ugu horeeyay ee meesha ay wax ka dhaceen tagay.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya sida uu qaraxu u dhacay - Qaar waxay soo jeedinayaan in uu ahaa is-miidaamin, halka kuwa kelana ay tibaaxayaan in uu dhashay gaari meel la dhigay.

Wali ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyada weerarkaan oo imaanaya xili hay’addaha nabad-gelyadda la geliyay feejignaan dheeraad ah.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa shalay oo Arbaco ahayd soo saarey digniin amni iyo nooc kamid ah gaadiidka oo ay sheegeen in uu qarax damac-san yahay.

Xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jenaraal Kaahiye waxaa haatan tababar uu ugu socdaa ciidamo loo diyaarinayo in ay sugaan nabad-gelyada magaalada madaxda dalka leh xeebta ugu dheer dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM