Wararkii ugu dambeeyay shirka DF iyo musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saddex qodob ayaa hareeyay shirka Khamiista maanta ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uga bilowday madaxda dowladda federaalka ah ee waqtiga ka dhamaadey iyo Midowga Musharaxiinta madaxtinimada doorashadda Soomaaliya, sidda ay sheegayaan warar xog ogaal ah.

Raaligelin ay dowladda ka bixiso weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaadey musharaxiinta, banaanbaxa loo balansan yahay Jimcada berri ah iyo kaalin ay musharaxiinta ku yeeshaan wadahadalada arrimaha doorashooyinka ayay kala yihiin qodobadda diiradda lagu saarey wadaxaajoodyadda.

Sidda ay sheegayaan warar horudhac ah, ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo xukuumadda waqtiga ka dhamaadey ku metelaya shirka ayaa codsaday in banaanbaxa uu baaqdo "si dowlada isugu diyaariso in ay sugto ammaanka mudaaharaadka iyo in uu noqdo mid ku qabsoomo jawi nabdoon".

Xukuumadda ayaa, sida ay tibaaxayaan warbixinada, waxay sidoo kale ogolaatay in ay guddi u saarto baaritaanka weerarkii dhacay 19-kii Febraayo.

Balse waxay dhinacyadda isku mari la' yihiin qodobka ku saabsan in musharaxiinta ay ka qeybgalaan shirka looga arrin-sanayo khilaafka doorashooyinka kaasoo la xusayo in Rooble uu ku adkeystay in uusan go’aan ka gaari karin isla markaana uu ku celinayo madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaadey ee Farmaajo.

Daneeyeyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa si weyn isha ugu haya shirkaan kaasoo natiijadda kasoo baxda uu go’aamin karo mudaaharaadka berri qabsoomayo iyo in waddanka uu si nabdoon uga bixi doono mar-xaladda kala guurka ah.

Soomaaliya ayaa qalalaase doorasho waxay dhexda ka gashay ka gedaal markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu muddo xileedkiisa uu dhamaadey 8-dii Febraayo, iyaddoo aan laga heshiin qaabka ay u qabsoomeyso coddeynta 2020-21 taasoo waddanka gelisay firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan xoogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM