Wararkii ugu dambeeyay weerar ka dhacay degmadda Diinsoor

Image

DIINSOOR - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar culus oo dagaalamayaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab ay ku ekeeyeen Saldhigyo ay ciidamadda xooga ku leeyihiin degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.

Saldhigyadda la weeraray oo fariisin u ah ciidamo ka kala tirsan kuwa xooga Soomaaliya ee ka amar-qaata Taliska guud ee ciidamada dalka iyo kuwa ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya gaar ahaan qeybta Koonfur Galbeed, Korneel Xasan Aadan Yarow oo u waramay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dhankooda looga dilay dagaal hal Askari, ayna kaga dhaawacmeen Labo kale.

Dhanka Al-Shabaab ayuu daboolka ka qaaday Korneelka inay ka khaarijiyeen Afar dagaalame, ayna ku gubeen Gaadiid dagaal, hub, sidoo uu hadalka u dhigay.

"Weerar dhowr jiho ah ayey nagu soo qaadeen. Waan iska caabinay. Dhankeena Askari ayaa naga dhintay, labana waa dhaawacmay. Kuwa nabad diidka ah 4 ayaan ka dilnay, Gaadiidna waan uga gubnay, hubna waan ka furanay," ayuu yiri Taliyaha.

Dadka degaanka ayuu Taliye Yarow ku nuux-nuux saday inay kusoo wargeliyeen in Al Shabaab ay Gaadiid ku qaadatey xubno uga dhaawacmay dagaalka kuwaasoojidka ku qabsaday madfac uu sheegay inay iyagu soo rideen.

Dagaalkaan ayaa imaanaya xili uu weerar ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose habeenkii Talaadada, halkaasoo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac kala gaarey dhinacyada dagaalamay oo ah Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Mas’uuliyiin deegaanka ayaa dadka deegaanka ku booriyay inay ka taxaddaraan safarrada waddooyinka xasaasiga ah.

  • Soomaliya

    04-01-2026

  • 01:08PM