Wararkii ugu dambeeyay Xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiisad diblumaasiyadeed oo horleh ayaa ka dhex-qarxday labada wadan ee deriska ah, kadib markii Kenya ay u yeertay safiirkeeda u jooga Muqdisho, iyada oo kan Soomaaliyana ka dalbatay in uu dowladiisa lasoo tashado.

Xukuumada Nairobi ayaa ku andacooneysa in Somalia ay magaalada London ee caasimada UK "ku xaraashtay" xirmooyin Shidaal iyo Gaas oo ku jira dhul badeed ay ku muran-san yihiin labada dal.

Muranka badda ee labada dal oo haatan kiiskiisu hor yaallo madaxda cadaalada aduunka ee ICJ ayaa maraya heer gabagabo ah, waxaana xeel-dheerayaashu sheegayaan in Kenya ay ka cabsi qabto in laga xukmiyo.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow safaarada Soomaaliya ee Nairobi ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Kenyy kahor go'aankeeda ay u qortay Villa Somalia kadib shirkii London warqad ay ku codsaneyso raaligelin.

Hasa yeeshee, madaxda Soomaaliya ayaa ku gacan-saarey taasi, iyaga oo aanan ka bixin warqadaasi wax jawaab ah.

Warar ayaa soo jeedinaya in booqashadii ugu dambeysay ee uu Khayre ku tagay Kenya, uu Madaxwayne Uhuru Kenyatta ka dalbaday in gabi ahaanba la baajiyo shirka London, taasi oo aanan dhicin.

Sikastaba ha ahaatee, kadib go’aankii xalay kasoo baxay, warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay shir deg deg isugu yimaadaan madaxda ugu sareysa wadanka, iyaga oo ka arinsanaya arrintaan soo korodhay.

Fahfaahinada ayaa tibaaxaya in kulankaasi layskula soo qaaday nooca jawaab oo ay xukuumada ka bixineyso qoraalka Kenya, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu war cad soo baxo.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan caalamka ayaa aad u dhowraya nooca ay noqon doonto jawaabta XFS, maadaama go’aanadii ugu dambeeyay ee diblumaasiyadeed ay ahaayeen kuwa naadir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM