Xogo dheeri ah oo kasoo kordhay shirka Garowe ee galay maalintii 4aad

Image

GAROWE, Puntland - Magaala madaxda Puntland ee Garowe waxaa maalintii Afraad galay kulanka u dhexeeya madaxda maamulada Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka kaas oo habeenkii xalay saqdii dhexe soo idlaaday.

Kadib markii Talaadadii Xaaf iyo Farmaajo ku soo kala kaceen kulan u dhexeeyey labadooda oo kaliya iyagoo isku fahmi waayey qaabka loo xalinayo khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Galmudug ayaa waxaa soo farogeliyay hogaamiyeyaasha maamulada kale.

Sidda ay illo xog ogaal ah u dusiyeen warsidaha Garowe Online, madaxda dowlad goboleedyada ayaa, Afurka kadib, si gooni-gooni ah ula kulmay Farmaajo iyo Xaaf.

Shirarkaasi gaar-gaarka ah kadib, madaxweynayaasha maamulada ayaa waxa ay kulan guud la yeesheen Madaxweyne maamulka Galmudug, qaar ka tirsan golihiisa Wasiirada iyo Afhayeenka Barlamanka.

Dedadaalada ay sameynayaan madaxda maamuladda oo hadafkoodu yahay in aan Garowe laga tegin iyada aan xal helin ayaa daarnaa sidii loo dhameyn lahaa is-marin-waaga daxaleystay.

- Maxaa la isku hayaa? -

Wafdiga Galmudug oo uu hogaaminayo madaxweyne Xaaf ayaa ku doodaya in Dowlada Federalka faraha kala baxdo arimaha gudaha ee maamulkaas iyadoo taageerta qaar ka tirsan siyaasiyiintooda sida Afhayeenka hore ee xilka laga qaadey iyo madaxweyne ku xigeenka. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeysanaya sida wararka aan ku heley in madaxweyne Xaaf uu waqtigiisu dhamaadey isla markaana ay tahay in doorasho la qabto halka Xaaf uu leeyahay "go’aankaas waxaa uu u yalaa shacabka Galmudug iyo maamulkooda".

Kulanka madaxda maamulada ee xalay ka dhacey madaxtooyada Puntand oo la isku gaarey saddexdii habeenimo ayaa wararku sheegayan inuu jiro isu soo dhowaansho wanaagsan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM