Kulankii u socday madaxda Soomaaliya oo lagu kala dhaqaaqey

Image

GAROWE, Puntland - Shirkii magaalada Garowe uga socdey madaxda Soomaaliya ayaa ku dhamaadey fashil kadib markii la isku afgaran waaayey qodobadii ugu muhiimsanaa ajendeyaasha wadahadalka.

Madaxweynaha Jubaland Axamad Madoobe iyo wafdi uu hogaaminyay ayaa saaka aroortii ka dhoofey garoonka caalmiga ah ee magaaalo madaxda Puntland.

Sidda uu fahansan yahay Garowe Online, Ra’isal wasaaraha Dowlada Federaalka, Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan golihiisa xukuumada ayaa galabta ka dhoofaya Garowe.

Wafdiga Madaxweyne Xaaf ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha Garowe, iyadoo uu kusii jeedo magaaladda Nairobi.

Dhowr illo wareed oo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey GO in uu maalin ka dambeyn doono wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah, Xasan Cali Khayre.

Maamulada ayaa diidey dadaal ay wadeen madaxda dowlada Federaalka iyo xubnaha kale ee Muqdisho kala yimid taasoo hayd in kulanka laga soo saaro ugu yaraan War-murtiyeed Villa Somalia looga ilaalinayo wajigabax [Face saving].

Qaar ka tirsan wufuuda la socota madaxda maamulada ayaa u sheegey Garowe Online in talaabooyinka lagu soo saarayo qoraalada ama warmurtiyeed-yada laga soo saarayo kulamada aan lagu heshiin ay Dan gaar ugu jirto Dowlada Federaalka ah kuwaas oo intooda badan fariin khaldan ugu dirto saxiibada beesha caalamka.

Sida warsidaha Garowe Online ogaaday Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa la filayaa inuu saxaafada la hadlo marka uu ka dego magaalada Kismaayo halka madaxda maamulada siyaabo kala duwan uga hadli doonaan sababta kulankaan u fashilmey.

Waa markii ugu horeysay tan iyo intii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la doortey, kulan uu la qaatey madaxda maamulada uu soo idlaado iyadda oo aan la gaarin wax heshiis ah.

MUUQAALKA AXMED AMADOOBE

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM