Shirka Wadatashiga ee Garowe oo qarka u saaran inuu burburo

Image

GARIWE, Puntland - Shirka Wadatashiga Dowlada Federaalka iyo Maamulada oo ka socda magaaladda Garowe ayaa galay maalintii Shanaad oo la isla gaarey illaa iyo Salaadii Maqrib, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin xog ogaal ah.

Sida uu fahansan yahay Garowe Online, ma jirto wax horumar ah oo laga sameeyay qodobadii laysku hayey ee khilaafka Galmudug, sharciyada Bartoolka, doorashada, xisbiyada iyo la bedelo magaca Golaha Amniga Qaranka.

Xogta ayaa intaasi raacineysa in madaxweyne Xaaf lagu qanciyey in arrinta ku saabsan xalinta khilaafka kala dhaxeeya maamulka Farmaajo dib loo dhigo, isla markaana ajendeyaasha kale la guda galo.

Intii uu socday kulanku , waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo isku rasaaseeyay ciidamo ilaalo u ahaa murashax Cabdinaasir Seeraar, kaasi oo Muqdisho ka yimid, iyo booliska. garoonka

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowlada federaalka ah in ay iyaddu ka dambeyso wixii ka dhacay caasimada ku meel gaarka maamulka Jubbaland.

Murashax Seeraar ayaa lagu waramayaa in uu kamid yahay dhowr kale oo ay gedaal ka riixeyso Villa Soomaaliya oo dooneysa in ay ka takhalusto hogaamiye Axmed Madoobe.

Madaxda ayaa ku balamay in Afurka kadib ay isku soo laabtaan si wadahadalka halkiisa uga sii socdo. Balse, warsidaha GO wuxuu ogaaday in aysan dib dambe isugu soo noqon hogaamiyeyaasha.

Sikastaba ha ahaatee, waa markii labaad oo caqabad uu soo wajaho Shirka iyada oo markii koowaad ay ahayd arrinta Xaaf iyo Madaxtooyada, taasi oo hadda u muuqata in la qaboojiyey.

Balse xiisada kasoo korodhay magaalada Kismaayo iyo diidmada madaxda dowlada Federaalka iney aqbalaan kuwa ugu muhiimsan ajendayaasha shirka ayaa la tilmaamayaa in ay waji horleh gelineyso shirka, kaasi oo muddo ku dhaw todobaad socdo aysan wax natiijo ah gaarin madaxda siyaasada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM