Warbixin kasoo baxdey oo si weyn loogu dhaliilay NISA

Image

WASHINGTON, USA - Ku takri-falka xuquuqda aadanaha ayaa diirada lagu saarey warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, iyadoo Washington ay meel adag iska taagtay ku xadgudubka sharciga ee ay ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya iyo mitidiinta Al-Shabaab.

Muddo sanado ah, Soomaaliya waxay la halgameysay inay ka dhaadhiciso bulshada caalamka in aysan meel uga dhicin arrimaha xorriyadaha iyo xuquuqda aadanaha.

Balse, saxafiyiinta, dhaqdhaqaaqayaasha iyo xitaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ay yihiin ayaa la kulmaya tacadiyo , taas oo walaac ku abuurtay daneeyayaasha.

Balse warbixinta, hay'adda nabad-sugidda sirdoonka qaranka [NISA], oo mas'uulka ka ah ururinta macluumaadka mukhaabaraadka, ayaa si adag loogu sheegay inay ka mid tahay hay'adaha gadaal ka riixaya "gabood-faladaas foosha xun ee la xiriira xuquuqda aadanaha ee lasoo wariyo dalkan dhaca Geeska Afrika.

NISA ayay warbixinta tibaaxdey inay ka dambeyso talaabooyin laga leeyahay dano siyaasadeed, oo lagu bartilmaameedsado siyaasiyiinta mucaaradka ah ama kuwa la aaminsan yahay inay la shaqeynayaan. Warbixinta waxay tusaale u soo qaadatay Maxamed Nuur "Abuuja" oo muddo gacanta NISA ku jiray maxkamadeyn la'aan.

Inta lagu guda jiray sanadka sano ee lasoo dhaafay, waxaa jiray kiisas qaarkood oo la soo sheegay in dowladu ay amartay, qaar loo waayey dano siyaasadeed, gaar ahaan suxufiyiinta laakiin sidoo kale kuwa ka soo horjeeda siyaasada [maamulka Farmaajo," ayaa lagu yiri warbixinta qeyb ka mid ah.

Qormada ayaa la raaciyey:"Suxufiga ka tirsanaa Radio Higsi ee la xiray Maxamed Cabdiwahaab Nuur “Abuuja” oo sida la sheegay ku aargudanaya wariyenimadiisa markii ay si qaldan ula dhaqmeen ciiidanka sirdoonka".

Sidda laga soo xigtay warbixinta, hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa fulisa howlgalo lagu soo qabto latuhunsaneyaal. Balse, waxay xabsiyada ku haysaa "geedi socod sharci la'aan".

NISA ayaa muddo dheer lagu eedeynayaa inay faragalin ku sameyso siyaasada gudaha ee dalka iyadoo gacan-siineysa dowlada waqtigeedu dhamaaday ee Maxamed C/laahi Farmaajo.

Mucaaradka wuxuu horey u dalbadey in uu xafiiska baneeyo agaasimaha guud ee hay'adda NISA, Fahad Yaasiin Daahir, kaasoo ay ku eedeeyeen in uu maamulka Farmaajo kala shaqeynayo sidii u afuuban lahaa doorashooyinka soo aadan taasoo is-mari-waa xooggan uu ka taagan yahay qaabka ay ku qabsoomeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM