​Wariyaal katirsan Al Jazeera oo Muqdishu lagu xiray

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada dowladda Federalka Somalia, ayaa xabsiga dhigay Wariye katirsan Telefishinka Al Jazeera qaybtiisa English-ka, oo lagu magacaabo Xamza Maxmed iyo Saddex kale oo la shaqeynayay, kadib markii ay shalay tageen degmada Afgooye.

Wariye Xamza ayaa la sheegay in la xiray xilli uu kasoo laabanayay degmada Afgooye, oo Warbixin gaar ah kasoo diyaariyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen degmadaasi Shalay gelinkii danbe.

Dowladda Somalia kama aysan hadlin Xariga Wariyaha Al Jazeera English, oo ah TV xaruntiisu tahay DOHA, oo ay leedahay dowladda Qatar.

Xoghayaha ururka saxafiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim Mocallimow, ayaa Radio Garowe u caddeeyay in xabsiga la dhigay, Wariye Xamza iyo saddex ruux oo kale kuwaasoo uu ku jiro Muqaal duubihiisii.

Wuxuu sheegay inay wadaan dadaal kale oo ku aadan sidii wariyaasha Somaliyeed u heli lahaayeen xuquuqdooda isagoo saxafiyiinta ka codsaday inay u turaan dalka oo ay dhowrsoonaan intii awoodooda ah

Dhinaca kale, waxaa Xalay Xabsiga Godka Jilacow ee Muqdushu laga sii daayay Cabdi Aadan Guuleed (Caano-Geel) oo ah Tifaaftiraha Guud ee Wargeyska Maalin laha ah ee Xog-Ogaal, oo mudo 3 maalmood ah u xirnaa dowladda Somalia.

Ciidamada Naba Sugida Somalia ayaa Albaabada isagu dhuftay Xarunta Wargeyska Xog-Ogaal, ee magaalada Muqdishu, iyagoo  xabsiga dhigeen Tifaaftirihiisa Caano-Geel.

Wali NISA ma aysan sheegin sababta ay u xirtay Wargeyska.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM