​Wariyaal katirsan Al Jazeera oo Muqdishu lagu xiray

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada dowladda Federalka Somalia, ayaa xabsiga dhigay Wariye katirsan Telefishinka Al Jazeera qaybtiisa English-ka, oo lagu magacaabo Xamza Maxmed iyo Saddex kale oo la shaqeynayay, kadib markii ay shalay tageen degmada Afgooye.

Wariye Xamza ayaa la sheegay in la xiray xilli uu kasoo laabanayay degmada Afgooye, oo Warbixin gaar ah kasoo diyaariyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen degmadaasi Shalay gelinkii danbe.

Dowladda Somalia kama aysan hadlin Xariga Wariyaha Al Jazeera English, oo ah TV xaruntiisu tahay DOHA, oo ay leedahay dowladda Qatar.

Xoghayaha ururka saxafiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim Mocallimow, ayaa Radio Garowe u caddeeyay in xabsiga la dhigay, Wariye Xamza iyo saddex ruux oo kale kuwaasoo uu ku jiro Muqaal duubihiisii.

Wuxuu sheegay inay wadaan dadaal kale oo ku aadan sidii wariyaasha Somaliyeed u heli lahaayeen xuquuqdooda isagoo saxafiyiinta ka codsaday inay u turaan dalka oo ay dhowrsoonaan intii awoodooda ah

Dhinaca kale, waxaa Xalay Xabsiga Godka Jilacow ee Muqdushu laga sii daayay Cabdi Aadan Guuleed (Caano-Geel) oo ah Tifaaftiraha Guud ee Wargeyska Maalin laha ah ee Xog-Ogaal, oo mudo 3 maalmood ah u xirnaa dowladda Somalia.

Ciidamada Naba Sugida Somalia ayaa Albaabada isagu dhuftay Xarunta Wargeyska Xog-Ogaal, ee magaalada Muqdishu, iyagoo  xabsiga dhigeen Tifaaftirihiisa Caano-Geel.

Wali NISA ma aysan sheegin sababta ay u xirtay Wargeyska.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM