Wariye Cabdulqaadir Nadaara oo noqday Lataliyaha RW Kheyre

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Sabti ah u magacaabay Wariye Cabdulqaadir Maxamed Abshir (Nadaara) Lataliyihiisa dhanka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaare Kheyre, ayaa lagu magacaabay Wariye Nadaara, oo 2015 illaa 2016 soo noqday Afhayeenka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia iyo Latalihiisa dhanka Warbaahinta.

Magacaabista ayaa timid markii uu Ra'iisul Wasaaraha arkay inay jirto baahi ah in la dardar-geliyo arrimaha la xiriira Warfaafinta iyo wacyi-gelinta.

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ayaa wado Olole ay ku magacaabayaan Lataliyaal fara badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM