Wariye lagu dilay duleedka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubeysan ayaa wariye da'yar ku dishay Habeenkii Sabtida [27-ka October] degaanka Ceelasha Biyaha, ee duleedka magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Mire Xaashi, ayaa waxa uu ka howlgali jiray Idaacad maxali ah, oo lagu magacaabo Daarul Sunna, oo laga dhageysto Ceelaha Biyaha iyo nawaaxigeeda.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in wariyaha lagu dilay meel ku dhaw goobtiisa shaqada fiidnimadii sabtida, iyadoo kuwa falkan naxdinta leh fuliyay si nabad ah goobta uga baxsaday.

Degaanka Ceelaha Biyaha oo dhaca wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa gacanta ku haysa maamulkiisa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo AMISOM ay saldhig ku leedahay.

Lama oga sababta loo dilay suxufiga iyo cida dishy midna, balse waxa ay dhacdadan qeyb ka tahay dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee dadka ka shaqeeya warbaahinta loogu geysto Soomaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM