Wariye lagu dilay qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariye katirsan TV-ga Kalsan ayaa lagu dilay qarax culus oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Gaabow, ayaa ku dhintay Isbitaal loola cararay kadib markii uu dhaawac culus kasoo gaaray qarax loogu xiray qeybta hoose ee kursiga laga kaxeeyo gaariga.

Gaariga ayaa qarxay xilli Wariyaha uu marayay Suuqa Kalluunka ee degmada Wadajir, ee gobolka Banaadir, sida uu Warisdaha Garowe Online u xaqiijiyay mid kamid ah Wariyaasha ay iskala howlgalayeen TV-ka Kalsan.

Allah ha u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa waxaa la socday Wariye kale oo saaxiibo yihiin iyo labo caruur ah, kuwaasi oo ka badbaaday qaraxa.

Lama oga cid ka dambaysa qaraxa lagu dilay Wariyaha, balse waxaa loo malaynayaa Al Shabaab oo inta badan falalka noocan ah ku disha dadka la shaqeeya dowladda, Hay'daha iyo Wariyaasha ka shaqeeya Muqdisho.

Gabow wuxuu noqonayaa Wariyihii 5aad oo lagu dilo Somaaliya sanadkan.

Soomaaliya ayaa 6 sano ee lasoo dhaafay safka hore ka gashay dalalka ugu badan ee lagu dilo wariyaasha, taasi oo loo aanaynayo isla xisaabtan la'aanta iyo amni xumada dalka, oo colaad la dagtay mudo sano ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM