​Wariye Mukhtaar Nuur oo Xabsiga laga sii daayay [Sababta loo xiray]

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Federaalka Somalia ayaa Xabsiga kasii daysay Wariye Mukhtaar Nuur, oo Khamiistii lasoo dhaafey ay xireen Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA). 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa xaqiijiyay sii deynta Wariye Mukhtaar, oo uu sheegay in markii hore loo xiray Arrimo ka baxsan xirfadiisa Saxaafadeed. 

"Mukhtaar Nur waa la sii daayey oo dowlada waxaa ka go'an in muwaadin walba cadaalad helo. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka oo codsigeena iyo kan Shacabka tixgeliyey," ayuu yiri Eng Yariisow. 

Mukhtaar Nuur, ayaa ah Sawire-qaade inta badan soo bandhigi jiray billicda goobaha qurxoon ee ku yaalla Muqdishu, isagoo adeegsanaya Kaamiro ku xiran diyaarad yar oo nooca Drone-ka ah, oo aan isticmaalin Wariyaasha kale ee ka howlgala magaalada. 

Hay'adaha amaanka dowladda ayaa ka shakiyay Mukhtaar, kadib markii ay arkeen Muuqaallo uu ka duubay dusha sare ee dhismooyinka waaweyn ee Caasumadda, oo kuwa dowladda ay kamid yihiin. Balse wali ma jiro war kasoo baxay NISA oo ku saabsan sababta xariga Wariyaha.

Wararka ayaa sheegay in Mukhtaar oo ka yimid qurbaha, uu sawir-qaade u yahay mid kamid ah Safaaradaha ka howlgala Muqdishu, islamarkaana aysan jirin xarun Warbaahineed oo uu ka howlgalo. 

Hay'addaha u doodo xuquuqda hadalka ayaa ku tilmaamay Somalia inay ku jirta safka hore liiska dalalka ugu halista badan, ee uu Wariye ka howlgalo, waxaana lagu dilay, lagu dhaawacay Suxufiyiin badan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM