Wariye Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ahaa oo lagu dilay Jarmalka

Image

Jarmalka – Wariye Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ah, Maxamed Aweys Mudey, oo si weyn loogu yaqaanay magaca “Boqorka Bartamaha,” ayaa la dilay habeenkii Jimcaha dalka Jarmalka, halkaas oo uu sannadihii u dambeeyay ku noolaa, sida ay sheegeen mas’uuliyiin Soomaaliyeed.

Mudey ayaa la sheegay in nin ku hubeysnaa mindi uu weeraray. Faahfaahinta ku saabsan sida uu weerarku u dhacay iyo sababta ka dambeysay dilka ayaa weli aan si rasmi ah loo caddeyn, iyadoo booliska Jarmalkuna aysan weli soo saarin warbixin faahfaahsan.

Maxamed Aweys Mudey wuxuu ahaa wariye muddo dheer ka soo shaqeynayay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed, xilliyadii ka horreeyay burburkii dowladdii dhexe iyo wixii ka dambeeyay.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudey.

Qoraalka tacsida ayaa lagu sheegay inuu ku hadlayay magaca Wasiirka Warfaafinta, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale, agaasimeyaasha waaxyaha iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda.

Wasiir Cabdifataax ayaa Alle uga baryay Marxuum Maxamed Aweys Mudey inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa, eheladiisa, bahda warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Mudey wuxuu ka mid ahaa saxafiyiintii Soomaaliyeed ee dalka uga qaxay sababo la xiriira amni-darro, kaddibna dibadda ku noolaanayay.

Geeridiisa ayaa murugo ku beertay wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, kuwaas oo ku xusuustay inuu ka mid ahaa halyeeyadii muddo dheer ku jiray mihnadda warbaahinta iyo baahinta Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Facebook oo mar kale laga waayay codadka ka aragti duwan DF- ka ee muddo dhaafka ah

Dhacdooyinkani ma aha kuwo cusub. Dabayaaqadii 2024, ururrada warbaahinta…

  • Soomaliya

    18-09-2026

  • 01:45PM

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

Wixii markaas ka dambeeyay, Turkigu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 02:19PM