Warqadii "kashiftay midabka dhabta ah" ee taliska Farmaajo

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ayaa la sheegay in uu "wado baabuur aan fariin lahayn".

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulka Farmaajo ee muddo xileedkiisu dhamaadey wuxuu afartii sano ee lasoo dhaafay uu dalka ku waday meel mugdi ah, sida uu shaaca ka dhigay Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa.

Sida laga soo xigtey Odowaa, Farmaajo oo ku dhowaad hal sano xafiiska jooga isaga oo sharciyaddu ka dhacdey isla markaana ku fashilmay hirgelinta doorashada ayaa "wadda baabuur aan fariin lahayn".

"Afar sano ayaan ka digaynay sharciyad darradaas iyo ku xadgudubka dastuurka," ayuu ku daray Odowaa oo mar kale u taagan in uu xubin ka noqdo Aqalka Hoose baarlamaanka 11aad balse wajahaya cadaadis badan.

Odowaa oo sharci darro ku tilmaamay awood ka joojinta Farmaajo sheegay in uu ku sameeyay ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa cod dheer wuxuu kaga dhawaajiyey in uu garab-taagan yahay wasiirka koowaad.

"Waxaan garab iyo gaashaan u nahey RW Maxamed Xuseen Rooble oo hadda ah cidda kaliya oo haysta sharciyadda xil gaarsiin," ayuu xusay.

Warqadii Farmaajo ku shaaciyey in uu hakiyey dhamaan awoodihii Rooble ayuu ku sifeeyay mid shacabka Soomaaliyeed tusisay midabkiisa dhabta ah.

"Warqaddaasi waxa ay na tustay midabka runta ah ee Farmaajo, waana la joogaa xilligii dalka laga badbaadin lahaa," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Farmaajo ayaa muddo xileedkiisu wuxuu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021. Olole xoogan oo kaga imaanaya musharaxiin ka badan 10 ayuu ku wajahayaan dib-u-doorashadiisa. Balse, waxaa jira warar ah in uusan tartameynba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM