Saddex talaabo oo looga hortagi karo "inqilaabka" Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saddex talaabo ayaa looga hortagi karaa inqilaabka uu damacsan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidda uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa tibaaxay in talaabooyinkaas ay cid walb mas'uul ka saaran tahay in ay dhaqan-geliso.

Sidda laga soo xigtay Warsame, madaxwaynaha xilliga ka dhacay Farmaajo wuxuu fulinta mashruucaas u adeegsanayaan ciidamaddii diyaarinayey in ay mas'uuliyadda ammaanka waddanka kala wareegaan howlgalka AMISOM.

Hoos ka akhriso qoraalka Warsame

Farmaajo ciidankii 10-kii sano ee la soo dhaafay loo diyaarinayey in uu AMISOM masuuliyadda amniga dalka kala wareego, hubkii iyo agabkii loogu tala galay in argagaxesida la isaga dhiciyo ayuu maalin cad, madaxdii dalka iyo Dowlad Goboleedyada kula duulay.

Wuxuu doonayaa waa doorasho uu ciidankaas ku dhaco, haddii aan la yeelinna labo sano uu Mursal ula diyaar yahay, ciddii diiddana ay tahay cadaw qaran, cagtana la marinayo. Seddax tijaabo ayaa inqilaabkaas ka hor istaagi karta.

1-In ragga xilalka haya, gaar ahaan kuwa isaga la jira, gacanta qabtaan, dalkana badbaadiyaan.

2-In ajnabiga uu dhabarkooda ku dangiigo ka diidaan.

3-In labadaasba dhici waydo; oo halka dagaal ee u dhimman uu ku quus qaato oo isaga iyo intii markii horaba u diiddaneyd foodda is daraan.

Seddaxdaas tallaabo siday u kala horeeyaan ayey u kala dhib yaryihiin, una kala sumcad fiican yihiin.

Farmaajo wuxuu aaminay in borobagaandada CBB, ciidanka uu cid walba kula duulayo iyo lacagta uu ku iibsanayo taageerada dadka qaarkii in uu dalkoo idil ku qabsan karo. Waa halis dalkeena soo food saartay oo u baahan in aan iska badbaadinteeda wajahno.


Soomaaliya ayaa ku dhowaad muddo laba bilood ah waxay dhexda kaga jirtaa qalalaase dastuuri ah ka gedaal markii madaxweynaha waqtiga ka dhacay iyaddoo uusan caddeyn qaabka dalka uga baxayo mar-xaladda kala guurka ee wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM