Warsame: Deni wuxuu garaacay gambaleel digniin ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wuxuu soo dhaweeyay hadaljeedintii madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Madasha PDCR Talks taasoo uu si qoto dheer uu kaga hadlay mar-xaladda uu waqti xaadirkan ku sugan yahay waddanka.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa sheegay in khudbadda Deni ay " dibada soo dhigtay xaqiiqooyin, xanuun badan oo la xariira taliska muddo xileedkiisu dhacay ee ina Farmaajo".

"Waxaan isku tirinayey dadka xilli hore fahmay Farmaajo, laakiin fahamkaygu wuxuu ka imaanayey u kuurgelida habdhaqankiisa, fasiraada ficiladiisa, iyo xogta aan ka helo kooxdiisa. Madaxweyne Saciid wuxuu iiga duwanaa in dareenka tebineed ee khudbadiisa uu ahaa mid ka imaanaya waayo-aragnimo iyo falgal toos ah uu isagu u joogay," ayuu kusoo qoray Facebook.

Sidda laga soo xigtay wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Deni wuxuu garaacay " gambaleel digniin ee halista uu dalku marayo".

"Saciid wuxuu garaacay gambaleel digniin ee halista uu dalku marayo. Waxaa lagaa yabaa in qolada Xamar joogta ay horay u yaraysanaysay khatarta Farmaajo ka iman karta, ama ay isku halaynayaan beesha Caalamka, halka in kale ay is leedahay waqtigiisii waa dhammaaday doorasho ayuu ku baxayaa," ayuu ku daray.

Warsame oo safka hore kaga jiray mucaaradka ugu waaweyn ee dowladda waqtiga ka dhamaadey ayaa aaminsan in Deni uu daaha ka rogay "wejiga qarsoon" ee madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey.

"Saciid wuxuu sawir ka bixiyey muuqaalka siyaasadeed ee Farmaajo oo leh, walaalow maxaa iga rabtaa haddii aan qolada Xamar iyo Baydhabo xukumayo? Iyo saciid oo leh haddii aad kuwaas xoog iyo cabsi ku xukuntay, inaga iyo Somaliland tii hore ayaad noo celin rabtaa, waa halka uu dadkiisa uga digay in mar kale 80kii oo kale ay ka foojignaadaan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Intii uu Deni hadlayey wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda Farmaajo ay "xoqxoqdo meesha Soomaali ka liidato oo ah qabiilka".

"Farmaajo duulaankii uu hoygayga ku soo qaaday 17kii Dec 2017, iyadoo xilkiisu bilaw yahay, iyo weerarka uu Khamiistii 18/02/21 Hotel Maa’ida ku qaatay, isagoo muddo xileedkiisa dhammaaday, ayuu ku tijaabiyey falceliska ka imaan kara Muqdisho," ayuu Warsame ku daray.

Wuxuu intaas raaciyey: "Farriinta kale ee muhiimka ah waxay ahayd in si wadajir oo aan hayb sooc qabiil lahayn la isaga qabto halista Farmaajo".

"Saciid wuxuu fashiliyey shirqoolka Farmaajo ee doorasho beenaadka ah. Farmaajana wuxuu ku qasban yahay in uu xawligii uu xukunka xoog ugu joogi lahaa si labanlaabo. Muqdisho maalmo xanuun badan ayaa ku soo wajahan, haddii aysan bararaarugin inta Farmaajo u shaqaysa ama la shaqaysata ee reer Muqdisho ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Warsame.

Dhanka kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeymaha iyo sheegashooyinka Deni kaasoo si kalsooni leh uga dalbadey Farmaajo inuu warbaahinta hor-yimaaddo isla markaana uu gaashaanka u daruuro "hadii ay been yihiin dhamaan waxa aan halkan ka sheegayo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM