Warsame: Doorasho Beebe lagu boobayo waa hurinta colaad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Isku dayga in doorashooyinka la boobo iyaddoo la adeegsanayo awood ciidan waxay dhalineysaa colaad sokeeye, sidda uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa sidoo kale wuxuu cod dheer kaga digay in muddo kororsi sharci darro ah loo sameeyo maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay Warsame, waa muhiim in doorashooyinka ay waqtigooda ugu dhacaan sidii caadada ahayd ayna noqdaan kuwa loo-dhan-yahay.

"Dad ayaa markii ay shaley arkeen 15 xildhibaan oo loo diiday in ay xarunta Golaha Shacabka soo galaan, ayaa igu yiri 'wallee hadda ayaan rummeysannay in Farmaajo doorashada uu doonayo ay tahay mid murashaxa la tartamaya uu subaxa doorashada xaruntiisa Beebe ciidan saaranyahay ku hor gooyo, xildhibaannadana ka hor istaago in ay murashaxiinta la kulmaan, ama uu hoolka doorashada ka celiyo,'" ayuu tibaaxay siyaasiga.

Wuxuu intaas ku daray: "In afartii sanaba la qabto doorasho qaabkeeda la isla oggolyahay, natiijadeedana lagu qanco, awooddana si nabad ah lagula kala wareego waxey qeyb weyn ka aheyd dib u heshiisiinta siyaasadeed iyo dowlad dhiska dalka".

"Laakiin muddo kororsi ama doorasho Beebe lagu boobayo waa hurinta colaad sokeeye. Ilaaheyna wuxuu quraankiisa ku sheegay in laga hortago fidnada dhibkeedu uusan ku ekeen doonin kuwa dulmiga gaysta oo keli ah," ayuu xusay.

Warsame ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Waxaa hubaal ah kuwo badan oo maanta Farmaajo durbaanka u tumaya in fidnada uu huriyo, dhibkeeda kuwa ugu horgubta ay noqon doonaan".

Hadalka Warsame ayaa kusoo hagaagay xilli guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya lagu eedeynayo in uu muddo kororsi u sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga dhamaadey Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM