CCW: Dowladda Farmaajo way hagratay dagaalka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxweyne ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku eedeeyay dowladda madaxweyne Farmaajo in ay "hagratay" la dagaalanka Al-Shabaab.

Hadalkan ayuu Warsame ka dhawaajiyey xilli uu ka hadlayey weerarkii shalay Al-Shabaab ku ekeysay Hotel Afrik ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

"Waxaan canbaaraynayaa weerarkii ay kooxda argagexisada ah maanta ku qaadeen Hotel Afrik. Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah, Allahana badbaadiyo inta weli go’doonsan," ayuu Warsame ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Warsame ayaa ku dara: "Ma jiro Hotel Muqdisho ku yaala oo ka badbaaday weerar argagexiso. Waxaa muuqata in aysan jirin cid hortaagan argagexisada oo halkii ay doonana beegsan karaan. Ma jiro hoggaan dawlad oo la isku haleeyo".

"Reer Muqdisho waa in ay isku tashadaan oo ay silican ka baxaan. Maangal maaha in maalin walba maydka haldoorkeena ka tacsiyeyno, dhaawaca gurano, burburka hantideena daawano," ayuu hoosta ka xariiqay.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa kamid ah ugu yaraan tobban qof oo la xaqiijiyey in ay Al-Shabaab ku dishay weerarkaas. Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida waxay ka dhawaajiyeen in ay hadafkooda uu ahaa marxuumka.

Bayaan kasoo baxay maleyshiyadda ayaa lagu xusay in Jananka uu qeyb ka ahaa abaabulka dilkii Aadan Ceyrow, oo kamid ahaa aas-aasayaasha ururka, iyo in uu wax ka qorsheeyay howlgalo Al-Shabaab looga laayey dagaalameyaal dhowr ah.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa ku biiray mas'uuliyiinta ka tacsiyeeyay geerida marxuumka isla markaana naxariista EBBE u rajeeyay.

"Allaha u naxariisto Major General Maxamed Nuur Galaal. Gen. Galaal wuxuu kaalin hoggaamin ku lahaa taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka. Wuxuu kaloo kaalin mug leh ka qaatay dagaalkii kooxda argagixisada Alshabab looga xoreeyey Gobollada Dhexe," ayuu ku yiri qoraal kale oo uu soo dhigay Facebook.

Wuxuu xusay: "Maadaama dowladda muddo xileedkeedu idlaanayo ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay hagratay dagaalka kooxda Al-shabaab, islamarkaana si isku mid ah u cadawsatay argagixisada iyo inta iyaga ka aragtida duwan, waxaa lumay kalsoonidii, waxaana abuurmay shaki, cabsi, walwal iyo caro dhalisay in aan la kala sooci karin ficilka argagixisada iyo falka shirqoolka siyaasadeed".

Afar iyo tobban qarax iyo afar dilal qorsheysan ayaa bishii koowaad ee sanadkan 2021 ka dhacay magaaladda Muqdisho xilli muddo xileedka madaxweyne Farmaajo uu ka harsan-yahay todoba maalmood, ammaankana uu kamid yahay fashilka uu wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM