Warsame: Farmaajo asaga qoriga hasoo qaato hana dilo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Farmaajo waa in uusan askarta dowladda u adeegsan beegsiga murashaxiinta taas bedelkeedna uu isagu qoriga soo qaato, sidda uu ugu baaqay murashax madaxweyne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo ka hadlayey xuska weerarkii lagu qaadey hoygiisa 18-ka December, ayaa ku eedeeyay Farmaajo in isagu uu shaqsiyan bixiyey amarka "duulaankaas".

Warsame oo "daandaansi" ku qeexay talaabada ay dowladda ciidamadda ugu hareereysan nawaaxiga xarumaha xubnaha Midowga Murshaxiinta ayaa tibaaxay in ay ka jawaabi doonan "marka aan ogaado ujeedada Farmaajo ka leeyahay".

"Macnaheedu ma ahan in aanan ka jawaabi karin; anigaa idin xaqiijinayana waan ka jawaabi karnaa, laakiin waxaan jawaabi doonaa marka aan ogaano ujeedada uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka leeyahay," ayuu cod dheer ku yiri.

Ciidamadda dowladda ayuu ku waaniyey in ay ka fogaadaan in ay ku lug-yeeshaan siyaasadda ayna noqdaan dhexdhexaad isla markaana ay kaliya diiradda saaraan gudashada waajibaadkooda oo ah ilaalinta xasiloonida waddanka.

"Waxaan fariin u dirayaa ciidamadda qalabka sidda oo dadkii iga horeeyay dhan fariin u direen. Walaalayaalow askar waxaad ku tihiin ma ahan magaca Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Askar waxaad ku tihiin tababarka, garaadaha, disibiliinka iyo nidaamka dowladiga ah eed soo marteen; waxaad askar ku tihiin sharciga iyo dastuurka u yaala Soomaaliya waxa amarkaaga loo qaadanayo ma ahan qori in aad wadato qoriga qof walba magaalada waa haysataa laakiin waxa laguu maqlaayo waa dareeska; dareeskana wuxuu ka turjumayaa dowlad, sharci iyo dastuur. Hadaad ku tomato cid ku ixtiraameysa iyo cid ku qadarineysa ma jirto," ayuu cod dheer ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga ayaa hadalkiisa ku daray: "Haduu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku yiraahdo dadka ii xabadey, murashaxiinta jidka ka xir, walaalahaaga, eedooyinkaaga, adeeradaa, ilmo-adeeradaa isoo dil haduu ku dhaho 'madaxweyne adiga soo dilo' ku dheh 'madaxweyne adiga soo dilo' ku dheh…madaxweyne Farmaajo asaga qoriga hasoo qaato hana dilo asaga laakiin adiga [askariga] yaanalaa soo kaa dhex-marin".

"Maxamed Cabdullaahi Farmaajo asaga dadka hasoo xabadeeyo. Asaga qoriga Dhashiikaha hasoo fuulo wadada ha naga xirto. Adiga [askariga] yaan lagu isticmaalin. Waxaad haysataa digniintii ugu dambeysay," ayuu carabka ku adkeeyay wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay Warsame, murashaxiinta ayaa daawan doona "talaabooyinka guracan ee Farmaajo illaa shacabka Soomaaliyeed ay ka arkaan fool-xumadda uu ku kacayo kadib ayaan si wadajir ah uga jawaabeynaa".

Murashaxiinta ayaa cod wada-ogol ah ku diidey xubnaha "dhinaca u jaranjeera" ee Villa Soomaaliya ku dartay guddiyada doorasho ee lagu muransan yahay dalbadeyna in la bedelo; codsigaas oo hogaanka dalka ay "si cad isaga indhatirayo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin Cusub: Imisa duqeyn ayuu Mareykanka Soomaaliya 2025

Dhibaatooyinka dhinaca amniga ee Soomaaliya waxaa sii adkeeyay go'aan dhawaan ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Bihi Iimaan Egeh.

  • Soomaliya

    06-03-2025

  • 08:53AM

Axmed Madoobe Oo Ka Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaalka milateriga ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-03-2025

  • 02:11PM