Warsame: Farmaajo canshuurtii rayidka ayuu ku beecinayaa qabkii

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxwayne ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa wuxuu si kulul u cambaareeyay heshiiska maamulka Farmaajo la galey shirkadda laga leeyahay Mareykanka taasoo uu dhaqaale ku siinayo in uu u socdaalo USA.

Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ka dhawaajiyey in madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu idlaadey Farmaajo uu canshuurta shacabka ku beecinayo qabkii Soomaaliya.

"Ninkii xilkiisii dhamaaday ee Vilada xooga ku haystay canshuurtii shacabka ayuu maanta ku beecinayaa qabkii uu sheegay in uu soo celinayo," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Lacag dhan $150,000 oo doolar ayuu kaga iibsaday shirkad loobiga samaysa oo Maraykan ah oo LFA Holdings la yiraahdo in ay kala shaqayso sidii uu Maraykanka ku booqan lahaa, kulana kulmi lahaa Senataro Maraykanka ah, si looga badbaadiyo cunaqabatayn".

"Farmaajo dan kama laha kooxda kale ee shirkada kula ah muddo kororsiga ee liiska ku jira. Xogta dhabta ah waxay tahay in uu canshuurtii shacabka shirkado ajnabi ah ku qasaarinayo, sababtoo ah waxa keli ah ee cunaqabatayna ka samata bixin karaa waa in muddo kororsiga ka noqdo teendhadii ku laabto," ayuu xusay.

Siyaasiga ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Waxaanse rabaa in aan u sheego kuwa canshuurta siiya Farmaajo in ay dhibka Soomaaliya qayb ka yihiin".

Dhanka kale, Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin warka ku saabsan in ay kireysatay shirkadda LFA Holdings si ay Farmaajo uga caawiso in uu booqdo Mareykanka ulana kulmo Senator iyo dhigiisa Joe Biden.

Warkan ayaa soo shaac-baxaya iyaddoo Soomaaliya ay bilooyinkii lasoo dhaafay ka jireen xiisado siyaasadeed oo ka dhashay is-mari-waa ka taagan qaabka ay u dhaceyso doorashadda madaxtinimada iyo baarlamaanka, waxaana taliska Farmaajo saaran cadaadis ah in uu ku laabto wadaxaajoodyada codeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM