Warsame: Farmaajo inqilaab dadban ayuu xukunka ku joogaa
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xukunka ku joogaa "inqilaab dadban," sidda uu shaaciyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo carabka ku dhuftay in ay maalmaha soo aadan soo bandhigi doonan talaabooyin dheeraad ah, ayaa xusay in Farmaajo uusan diyaar u ahayn doorashooyin.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu dalka geliyey xaalad hubanti la'aan ah iyo in aan la hubin hadii si nabdoon looga baxayo mar-xalada kala guurka.
"Isaga oo muddo xileedkiisa laba maalmood ka harsan tahay ayuu kasoo kacay shirkii Dhuusamareeb taas oo caddeyneysa in uu mar walba raadinayey muddo kororsi walina uu baarlamaanka ula gaaf-wareegayo," ayuu Warsame xusay.
Xukuumadda federaalka ee waqtiga ka dhacay ayuu ku nuux-nuux-saday in ay maanta isku dayday "in ay muddo kororsi xoog ah ka heshay baarlamaanka xilligiisu dhamaadey gaar ahaan Golaha Shacabka.
Madaxweynaha waxaa isaga qaldan in awooda ay tahay sharciga. Ciidamadda iyo sirdoonka in ay tahay ayuu wali u haystaa in awoodu tahay. Waa caqliyad faasid ah oo dadka Soomaaliyeed waa hore kasoo gudbeen," ayuu tibaaxay.
Beesha Caalamka ayuu cod dheer ugu baaqay in aysan "waqti badan isaga lumin" isla markaana ay doorashooyin u qabtaan "dhamaan saamileyda musharaxiinta kamidka yihiin ee diyaarka u ah doorashooyinka".
"Waxaan rabnaa in aan shacabka Soomaaliyeed u sheegno in Madaxweynaha waxa uu ugu jiro Madaxtooyadda waa inqilaab - Hadii inqilaabka tahay ciidan qabsada meelaha dowladda muhiima u ah oo baarlamaanka, maxkamadaha iyo siyaasiyiinta xira sidii 69-kii dhacdey - hadda wuxuu ku fadhiyaa [Farmaajo] inqilaab dad badan sababta oo ah cid kasta oo sharci darro ku fadhisa xukunka waa inqilaab," ayuu Warsame ka sheegay shir jaraa'id Isniinta maanta ah.
Midowga Musharaxiinta ayaa horey u sheegay in Farmaajo aysan u aqoonsaneyn madaxweyne sharci ah maadaama muddo xileedkiisa dhamaadey 8-da Febraayo, iyaga oo ku baaqay dhismaha gole badbaadiya dalka.
GAROWE ONLINE