Warsame: Farmaajo laba far ayuu u taagayaa saaxiibadiis

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadey Farmaajo wuxuu xusul-duub ugu jiraa in uu sameysto muddo kororsi sharci darro ah, sida Sabtida maanta ah uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa caddeeyay in maamuladda, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqbali doonin dheereysi baalmarsan sharciga.

Sidda laga soo xigtay Warsame, hogaamiyaha muddo xileedkiisa dhamaadey ee Soomaaliya wuxuu damacsan yahay in uu sameeyo "is-qarxin siyaasadeed laba farna u taago xulafadiisa".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu shaaca kaga dhigay in Farmaajo uu kala doorsadsiinayo xulafadiisa in ay ku taageeraan qorshihiisa ismiidaaminta ama in ay ku diidaan damaciisa.

"Farmaajo waxaa ka go’an in uu hor istaago wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda," ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

Wuxuu ku daray: "Wuxuu doonayaa in Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo".

"Wuxuu kaloo ogyahay in Dowlad Goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqabali doonin," ayuu hoosta ka xariiqay wasiirkii hore ee qorsheynta.

Siyaasiga ayaa raaciyey: "Laakiin wuxuu rabaa in uu is qarxis siyaasadeed sameeyo, inta la jaalka ahna labo far u taago, I taageera oo isla kay qarxiya ama i diida oo Dowlad Goboleedyada iga soo horjeeda, Aqalka sare, mucaaradka iyo ajnabiga raaca oo na kala wada".

"Maanta imtixaanka ugu adag waxaa wajahaya Farmaajo saaxiibbadiis oo ay hortaallo kala doorasho ah in in ay Farmaajo isla miidaamiyaan, ama ay gacanta qabtaan oo isaga, iyaga iyo dalkaba badbaadiyaan oo ay doorasho loo dhanyahay oo si nabad ah ku dhacda ogolaysiiyaan. Waxaa mahadsan mudanayaasha ka tirsan Gola Shacabka ee sii caddeeyay mowqifkooda iyo inta diidan damaca Farmaajo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Warsame.

Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay yeeshaan kulan ajandahiisa lagu sheegay caabuqa Covid-19, balse la tuhunsan yahay in kororsi loogu sameynayo Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM