Warsame: Farmaajo ma tanaasulo, waa nin raba in uu adkaado

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Farmaajo Rooble ay ka gorgortamayaan qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ma ahan nin tanaasula waa mid raba in uu adkaado, sida uu sheegay musharax, madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga ayaa intaas ku daraya in muhiim ay tahay in ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta aan lagu hoosaasin wadahadal.

“Mar kasta oo aan waanwaan maqlo waxaa ii sawiranta in ay waqti iibsi iyo hoosaasin tahay. Farmaajo ma aha nin tanaasula, waa nin raba in uu adkaado," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Hal maalin oo keli ayuu aqbalay in uu Raysalwasaraaha masuuliyada ku wareejiyey, waa maalintii madaxiisa la isku qabsaday."

"Wuxuuse mar walba helaa qolo waanwaanta kaga dhuumanaysa mowqifkii laga rabay, oo aan ninka garta diidda qaban karin, ogalayna in kan garta leh ay la saftaan," ayuu xusay.

Wuxuu kusoo xiray: "Waxa keli ah ee ay ku seexanayaan waa in madaxa Raysalwasaaraha la isku qabsado. Haddaba sax maaha in RW la hoosaasiyo oo waqtiga lagaa lumiyo, haddii aan la garab istaagaynin".

Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Farmaajo Rooble ay ka gorgortamayaan qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ay si ballaaran ugu kala aragti duwan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM