Warsame: Farmaajo waa nin Guri uu xoog ku haysto degan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa buriyey hadalo kasoo yeeray Madaxtooaydda DRC iyo Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya kaasoo ku saabsan codsi uu u gudbiyey hogaamiyaha dalkaas, Felix Tshisekedi oo ahaa in uu soo farageliyo muranka doorashadda.

Farmaajo oo qoraal ku daabacay bartiisa shaqsiga ah ee Twitter-ka ayaa ku adkeystay muddo kororsiga iyo in la laalo heshiiska 17-kii September.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Facebook kaga falceliyey qoraalka ayaa shaaca ak dhigay in maamulka Farmaajo uu u muuqdo mid jahwareer wajahaya marka loo eego hadaladda is-burinaya ee kasoo yeeray.

"Farmaajo wuxuu Twitter-ka koowaad ku sheegay in isaga iyo Madaxweynaha DRC Congo ay ka wada hadleen kaalinta Midowga Afrika uu ku leeyahay horumarinta Dimuqraadiyada Afrika," ayuu ka dhawaajiyey.

Wuxuu intaas ku daray: "Wax yar kaddib Madaxweynihii Congo ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray "Farmaajo wuxuu iga codsaday in aan isaga iyo saamilayda kale ee ay is hayaan kala dhexgalo".

"Farmaajo (Twitter) labaad ayuu soo dhigay isagoo leh "waxaan ogolaaday in Midowga Afrika na soo dhexgalo, si doorasho xilligeeda ku dhacda loo qabto," ayuu hoosta ka xariiqay.

Warsame ayaa intaas ku daray: "Haddana xoogaa markii uu joogay ayuu soo qoray "Midowga Afrika wuxuu noo fududeynayaa doorasho shacabku codaynayaan". Saaxibkeey ayaan waydiiyey in uu 3 (Twitter) ee kala jaadka ah ii fasiro, wuxuu igu yiri "nin ayaa hadda ka hor Guri aan leeyahay iga qabsaday".

"Ninkii mar wuxuu igu yiri guriga waan gatay, maalin kalana wuxuu i yiri guriga dowladdaa lahayd, mar kalana waa laygu ammaanaystey" ayuu yiri. Farmaajo waa sidii oo kale waa nin Guri uu xoog ku haysto degan, maalinba war ayaad ugu iman," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Maamulka Farmaajo ayaa todobaad kahor wuxuu ku ololeynayay in aysan aqbaleyn faragelin ka timaadda Beesha Caalamka kuna saabsan is-mari-waaga doorashooyinka. Hasa ahaatee, wuxuu haatan u muuqanayaa mid kasoo dabcay aragtidaas isla markaana haatan u soo xuub-siibtay taageerada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM