Warsame: Farmaajo waa nin jahwareer ku jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxwayne ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku sifeeyay "nin jahwareer dhexda kaga jira".

Warsame oo Axada maanta ah kasoo muuqdey shir jaraa'id oo Midowga Musharaxiinta ku qabteen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa tibaaxay in Farmaajo uu "diidan yahay" in Muqdisho ku qabsoomo shirka dalka looga samata-bixinayo hubanti la'aanta.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegay in banaanbaxa ay maanta iclaamiyeen musharaxiinta uu yahay mid lagu "caddeynayo in Farmaajo uu doonayo in dalka uu xoog ku haysto".

Sidda laga soo xigtay siyaasiga, Farmaajo iyo xubnaha ku hareereysan "waxay dadka uga sheekeeyaan" in madaxweynaha waqtigiisu dhacay "ay kaliya is-haayaan siyaasiyiinta ama musharaxiinta".

Isu-soo-baxa ay ku dhawaaqeen in uu fagaaraha Daljirka Daahsoon ku qabsoomayo Jimcada todobaadkan ayuu tibaaxay in ay rabaan in dadka ku dalbadaan in uu xukunka dego Farmaajo.

"Madaxweynaha waxaa laga kari la'yahay Banaadir ha lagu shiro. Magaaladda Muqdisho ha lagu shiro ayaa laga kari la'yahay. Markaas habeenkii saq dhexe intuu tweet tuuro ayuu leeyahay Garowe ha lagu shiro; reer Garowe markii ay dhaheen Soomaali caasimad ayay leedahay caasimadda la isugu tago waa diidey haddana mid kale ayuu tuuray wuxuu yiri Baydhabo hala tago; haddana waxaa soo kacaa wuxuu soo tuuraa 13-kursi ayaan Banaadir siiyey. Nin jahwareer iyo dadka Soomaaliyeed in uu isku diro ka shaqeeyo waaye," ayuu xusay.

Muddo xileedka Farmaajo ayaa dhamaadey 8-da Febraayo, 2021, iyadda oo aan wali heshiis rasmi ah laga gaarin qaabka loogu dareerayo coddeynta soo aadan arrintaas oo dhalisay qalalaase dastuuri ah.

"Xilkiisa waa dhamaadey, si nabad ah in aan isaga bixino ayaan rabnaa. Dadka reer Muqdishoow nagu taageera jidadkaa idin ka xiran, canshuuraa dheeraad ah ayaa la idinka qaadaa, gabdihiina iyo haweenkiina ayaa jidadka ku dhala. Intaan ka badan dulmi laguma sabri karo na taageera isku soo baxa, idinka ayaa awooda shacabka ah," ayuu siyaasi Warsame kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Dhanka kale, dowlada Soomaaliya ayaan wali ka falcelin banaanbaxa ay ku dhawaaqeen musharaxiinta iyo eedeymaha ay u jeediyeen Farmaajo. Warar lagu kalsoon yahay waxay xusayaan in hay’adaha ammaanka horey u diideen ogolaanshiyo ay tartameyaasha waydiisteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM