Warsame: Farmaajo wuxuu halis ku yahay Soomaaliya oo idil
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo wuxuu halis ku yahay guud ahaan Soomaaliya balse haatan waxay gaar u tahay shacabka Puntland, sida uu sheegay musharax.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan magaala madaxda in ay si wadajir ah "isaga kiciyaan kaligii taliska iyo hogaamiye kooxeedka".
Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo kamdi ah musharaxiinta u taagan tartanka madaxtinimadda Soomaaliya ee dib-u-dhac uu ku yimid waqtigii loogu talagalay ayaa rumeysan in Farmaajo "uu halis ku tahay waddanka".
"Nabbi Muuse (CS) markii uu waydiiyey Khadar maxaad wiilka yar ee naftiisu dhaahirka tahay u dishay. Wuxuu ugu jawaabay Wiilka labadiis waalid mu’miniin bay ahaayeen, waxaan ka cabsaday in uu ku mashaqeeyo xadgudub iyo (Gaalnimo). Hormuudka bulshada ama madaxyawaynta (Elite) masuuliyad dheeri ah ayaa saaranMa aha in ay sugaan halis ku soo socota in ay hoyga ugu soo gasho. Mana ah in ay is yiraahdaan dad kale ayaa idinka xigsanaya ama xalaniya," ayuu yiri.
Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Madaxwaynta Muqdisho ee siyaasi, oday dhaqan, ganacsade, aqoonyahan, saraakiil, haween iyo dhalinyaraba leh waa in ay si wadajir ah halista ka hortagaan inta aysan guryaha mid mid ugu soo gelin, mana ah in ay cid gooni ah ku haleeyaan".
"Farmaajo wuxuu halis ku yahay Soomaaliya oo idil, laakiin halistiisu haatan Muqdisho ayey gaar u tahay," ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.
Dhawaqa Warsame ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo kacsanaan ah taasoo ka dhalatay burburka wadahadaladii doroashooyinka iyo muddo kororsiga labada sano ee taliska Farmaajo.
Falcelinta caalamka
Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah waxay uga horyimaadeen ku darsigaas kuna sifeeyay "mid aan u adeegeyn danaha Soomaaliya"; waxay adkeeyeen in ay sii socdaan shirarka lagu baadigoobayo xalka muranka.
Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa si gaar ah ugu goodiyey talaabooyin ay ku jiraan cunaqabateyn haddii muddo kororsiga la dhaqan-geliyo, waxaana ay xuseen in ay saari doonan shaqsiyaadka curyaaminta wada.
Warsame oo Arbacadii shalay warbaahinta kula hadlay xarunta xisbigiisa Wadajir ee Muqdisho ayaa fasiraad wuxuu ka bixiyey falcelinta diblumaasiyiinta.
"Falceliska ka yimid Beesha Caalamka macnaheeda waa laba arrin; kooxda is-caleema saartay in aan la aqoonsanin waa qodob. Qodobka labaad waxay halis gelineysaa wixii lasoo tabcaayey 20-kii sano ee u dambeysay oo ahayd in aduunka Soomaaliya u aqoonsado dowlad. Taliska meesha jooga wuxuu ku tashanayaa dowlado ay kamid tahay Eritrea iyo wax lamid ah in masiirka Soomaaliya gacanta u geliyaan – oo beesha caalamka iyo Eritrea na kala dooradsiiyaan," ayuu xusay.
Maamulka Farmaajo oo ku gacanseyray hanjabaadaha caalamiga ah ayaa ku qeexay "kuwa u adeegaya kooxaha argagixisadda iyo nabad diidka Soomaaliya".
Is-qabqabsiga siyaasadeed ayaa u muuqanaya mid sii taagnaan doona. Balse, waxaa la aaminsanyahay in taas ay qaranka horseedeyso dib-u-dhac xooggan iyo in Beesha Caalamka ay si toos ah u soo farageliso ama ay talaabooyin kale qaado.
GAROWE ONLINE