Warsame iyo Khadiija oo hadalo kulul is-weedaarsaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye, iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa hadalo isku-weedaarsaday baraha bulshadda gaar ahaan mareega Facebook.

Dagaalkan afka ah ayaa ka dambeeyay markii Khadiija ay barteeda ku shaacisay in wafdi ay horkaceyso "uu siyaartay una duceeyay" qabriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre.
Warsame ayaa qoraalkaas kaga falceliyey: "Waa sida keli ah aad ku raali gelin karto Maxamad Farmaajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday. Waa tan aan diidanayn, diidi doono, marnaba aanan yeeli doonin".

Daqiiqado kadib, Khadiija oo ka jawaabtay dhawaqaas ayaa Warsame oo kamid ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda waqtiga ka dhamaadey waxay ku tilmaamtay "saqiir siyaasadeed iyo meyd soconaya".

"Horaan u iri iska hadlow Ina Igare. Ileyn xabad cadiin gashay xis-magalo. Alle u naxariisigii meey kaa qabatay maanta ("Aabihii garashadda u yeeratay marxuumka dikrigiisii wuu soo qaatay waana qireynaa Allow qabriga u nuuri"). Siqiirka siyaasiga waa sidii majaaniinta oo xisaab-looma-qoro. Marxuum wax dhaamo meydka soconaya," ayay daabacdey.

Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay dhawaqa Khadiija ay siyaasi Warsame ugu tilmaamtay "meyd soconaya" iyadda oo dadka ay u kala qeybsameen qaar taageeraya, iyo kuwa kale oo ku dhaleeceynaya.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Galmudug ahna agaasimaha wasaaradda batroolka Soomaaliya, Maxamed Xaashi Carabey oo wafdiga khabriga booqdey kamid ahaa, ayaa difaacay talaabada ay qaadeen.

"Waa doqonimada qayb ka mid ah Mayd inaad xagxagato laakiin Nasiib wanaag Alaha u naxariisto Maxamed Siyaad kumana Yaqaan waxna kaagama Baahna ee haku wareerin oo haku daalin," ayuu soo qoray.

Wuxuu ku daray: Siyaasaduna maaha inaad Soomaali kala qaybiso oo qabyaalad ka shaqayso.
Mama Khadiijana Ilaahay dartii ayay qabriga u booqatay iyo inay Marxuum ka u ducayso taasna maaha midaad wax ka bedeli kartid adi".

Sikastaba ha ahaatee, dagaalkan dhanka afka ah ee dhexmaray mas'uuliyiinta ayaa kusoo hagaagaya xilli hardanka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka heer federaal uu gaarey heerkii ugu sareeyay isla markaana kulanka loo balansan yahay in uu qabsoomo shaki culus uu hareeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM