Warsame: Ma jirto cid xiise u qabta la kulanka Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya aad uma daneynayaan la kulanka madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo, sidda uu daaha ka rogay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu soo xiray irdaha wadahadaladii doorashooyinka markii ku darsi uu sameeyay.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle in ay taageereen dheereysiga ayaga oo aan wax la tashi ah la sameyn bulshadda ay kursiga ku metelaan.

"Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday. Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa," ayuu hadalkiisa ku bilaabay Warsame.

Wuxuu ku daray: "Waxaase is waydiinta mudan Dawlad Goboleedyada qaarkood bulshadii rayadka iyo waxgaradkii ayey la tashadeen, ka dibna golayaashii Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa go’aan ku diiday muddo kororsiga".

"Laakiin dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed yey la tashadeen markii ay go’aanka muddo kororsiga Farmaajo ku taageereen? bulsho rayad, waxgarad, Gole Wasiiro iyo Baarlamaan ma lahan miyaa? Mise dadkoodeey ka arkeen oo go’aanka iyagaa jeebka ku sita? Ninka dulmiga wada iyo kan u suura geliya kalama sokeeyaan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Hadalka Warsame ayaa yimid markii natiijo la’aan uu kusoo dhamaadey kulan dhexmaray hogaanka Galmudug iyo HirShabelle si lamid ah musharaxiinta mucaaradka kaasoo diiradda dalab ka yimid hogaamiye Farmaajo.

Codsiga Farmaajo wuxuu ahaa in uu kulan la qaato mucaaradka. Hase ahaatee, musharaxiinta way ku gacansayreen dalabkaas ayaga oo carabka ku adkeeyay in ay kaliya la kulmayaan marka uu ka laabto go’aanka muddo kororsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM