Warsame: Maalmaha u haray Farmaajo way tirsan yihiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma doonayo in uu raad wanaagsan ka tago, maalmaha u harayna way tirsan yihiin, sidda uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa shaaca ka dhigay in Farmaajo uu abuurtay wax uu ku qeexay "shabakad danaystayaal ah".

Sidda laga soo xigtay siyaasiga mucaaradka ah ee Warsame, madaxweynaha muddo xileedkiisa uu idlaadey waxaa u buuxsan tahay "bil sharci darro ah".

"Farmaajo oo ay maanta bil sharci dari ah u buuxsan tay ayaa doonaya in uu nolol siyaasadeed ka raadiyo xilkasnimada iyo biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Mar walba wuxuu ku kacaa daandaansi gacan ka hadal ah, si looga jawaabo mid tiisa la mid ah," ayuu ku yiri qoraalkiisa Facebook.

Wuxuu ku daray: "Ma aha nin u turaya taariikh hore, sababtoo ah dadaal kama soo gelin dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta dadka".

Siyaasiyiinta ayuu cod dheer ugu baaqay in aysan u nuglaan siyaasada Farmaajo ku doonayo in uu ku kala dooradsiiyo " diktatooriyadiisa ama dirir sokeey".

"Rajo kama laha in uu reebo raad wanaagsan, sababtuna waa in uusan qaban hawl wanaagsan oo uu beri ku faani karo. Wuxuu doonayaa in uu na kala dooransiiyo diktatooriyadiisa ama dirir sokeeye," ayuu carabka ku adkeeyay.

Wuxuu kusoo xiray: "Wuxuu abuurtay shabakad danaystayaal ah oo dadka iyo dalka u naxaynin. Waxaan ku diidaynaa is xakamayn, siyaasad xilkasnimo leh iyo iskacaabbin madani ah, waana hubaal in maalmaha u harsan ay tirsan yihiin".

Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaadey 8-dii Febraayo, sanadka 2021 ayaa ku guuldareystay in uu ka shaqeeyo in waddanka ka qabsoonto doorasho heshiis lagu yahay taasoo ay muuqaneyso in ay ku imaaneyso faragelinta Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM